Cali guray, xubin kaliya nalama siin hadaanu nahay new ucid kooxdayadii ku biiray kulmiye

0

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu sheegay inaan waxba looga ogolayn xisbiga KULMIYE garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen ee New UCID, waxaanu sheegay in aan qof kaliya looga ogolaan shirka golaha dhex ee xisbiga KULMIYE.

Siyaasi Cali Guray ayaa waxa kale oo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu xukuumaddiisa cidna kaga soo darin garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen.

Qoraal uu siyaasi Cali Guray soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa uu ku yidhi

“INSHA ALLAH KHAYR
Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR.
Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha.”