Magaalada Marsaba e Kenya oo Masuuliyiin soo booqday ku casuumay biyo bali dhooqo ah,maxaase sababay

0

Shacabka ku dhaqan deegaan lagu magacaabo Karare oo ka tirsan maamul goboleedka Marsabit ee dalka Kenya ayaa caro xoog leh u muujiyay hoggaamiyeyaashooda, ka dib markii ay waxba ka qaban waayeen xaalado xal u baahan oo ka jira deegaanka.

Dadka ayaa madaxda ku eedeeyay iney juhdi ku bixinayaan waxyaabo aan muhiim ahayn, halka aysan isku howleynin arrimaha ku saabsan danaha dadweynaha.

Hase ahaatee arrin la yaab leh ayaa dhacday ka dib markii Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ay ugu yeeray dadweynaha shirk u saabsan sidii xafiis dowladeed ooh oose looga furi lahaa deegaanka.Shirkii oo ay madaxda fadhiyaan ayaa geeyay caagado ay ku jiraan biyo wasakh ah, waxaana miiska loo saaray madaxda, si ay u cabaan.

rrintan ayaa ahayd mudaharaad cajiib ah oo looga careysan yahay in aan deegaanka laga hir galinin adeegyada biyaha nadiifta ah, sida uu shaaciyay telefishinka Citizen ee dalka Kenya.

“Dhibkeennu waa dhinaca biyaha, ma aha xafiis cusub”, ayey qaar ka mid ah shacabka ku dhaheen hoggaamiyeyaasha.

Shacabka ayaa sheegay in muddo dheer ay madaxdooda ka codsanayeen in wax laga qabto biyo la’aan ka jirta halkaas, taasoo ku kaliftay iney biyo wasakh ah isticmaalaan.

Ugu dambeyn waxay go’aansadeen iney habkan lagu tilmaamay “xushmad darrada” kusoo bandhigaan cabashadooda.

Bishii Janaayo, 147 neef oo geel ah ayaa deegaannada Karare iyo Elehadi ku bakhtiyay ka dib markii sida lasoo tabiyay ay cabeen biyo wasakh awgeed la sumoobay.