Hailemariam Desalegn Ex raysal wasaare ethiopia oo xil cusub loo mgacaabay

0

Raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa hogaamin doona wefti ka socda midawga Afrika oo tagaya dalka Nigeria.

Minata Samate Cessouma oo ka tirsan guddida arimaha siyaasada ee midawga Afrika ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay Addis Ababa waxa uu ka sheegay in raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn uu hogaaminayo wefti midawga Afrika u dirayo inay kormeeraan doorashooyinka ka dhacaya dalka Nigeria.

Minata Samate Cessouma oo ka hadlaya weftiga ka socda midawga Afrika ee tagaya wadanka Nigeria ayaa waxa uu yidhi “raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn waxa uu hogaamin doonaan kormeerayaasha ka socdamidawga Afrika ee goob jooga ka noqonaya doorashooyinka dalka ugu shacabka badan Afrika ee Nigeria.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Minata Samate intaas raaciyey “Nigeria waa wadan muhiim u ah qaarada Afrika marka la eego dhinaca shacbiyada iyo dhaqaalaha, mana doonayno in wax khilaaf ahi ka soo baxo doorashooyinka, dhamaan daneeyayaasha oo midawga Afrika ka mid yahay waxay si wada jir ah uga shaqayn doonaan hubinta iyo doorashadu u dhacday si xor iyo xalaal ah, doorashada Nigeria-na u noqon lahayd mid dimuqraadi ah.”

Doorashooyinka guud ee dalka Nigeria ayaa dhacaya 16-ka bishan Feberuary si loo soo doorto madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka , halka bisha March 2-deeda ay dooran doonaan gudoomiyeyaasha gobolada iyo xubno kale oo muhiim ah.