Xukuumadda Somaliland oo Budhcad-baddeed u Aqoonsan Maraakiibta Shiinaha ee Ruqsadaha ka Qaatay Soomaaliya

0

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay  xeebaha dalka iman karin 27 Markab oo Shiine ah oo dawladda a fadhiidka ah ee Soomaaliya ay siisay ruqsado Kalluumaysi.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa soo xigatay Shabakadda Ghana Modern oo fallanqeysa  Arrimaha Afrika, oo maanta daabacday  Xukuumadda  Somaliland oo mowqif adag iska taagtay in xeebta JSL ay soo galaan kalluumaysatada sharci darrad ah ee Soomaaliya ka sita waraaqaha ogolaanshaha. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tilmaamay in  Somaliland ay si joogto ah u ilaaliso xeebaheeda islamarkaana u difaaci doonto  xudduudaheeda.

Wasiirku wuxuu  ku dhawaaqay inay ula macaamili

doonaan budhcad-baddeed ahaan Kalluumaysatada Shiinaha iyo cid kasta oo lagu qabto iyadoo  si sharci darro ah uga kalluumaysata xeebaha Somaliland.

Siday werisay Ghana Modern, waxaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu xaqiijiyey in aanay xeebaha Somaliland ku arag Kalluumaysato sharci darro ah oo Shiine ah, hase yeeshee ay arkaan doonyo kalluumaysi oo laga leeyahay Yeman.

Wasiir Xasan Gaafaadhi wuxuu  intaas ku daray  inay dalka ka hirgaliyeen lix goobood oo la dhigay qaboojiyeyaal loogu talogalay inay kalluumaysatadu ku keydsadaan kalluunka ay soo jilaabtaan.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu wuxuu carabka ku dhuftay in Kalluunku uu yahay khayraadka kaliya ee Somaliland leedahay,maadaama oo abaaraha iyo isbeddelka cimiladu ay saameeyeen  xoolihii noolaa.

“Waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno kalluunku,”ayuu yidhi Wasiir Xasan oo intaas ku daray “Haddii abaaraha iyo isbeddelka cimilladu  ay sii kordhaan waxay saameynayaan xoolaha nool, sidaas awgeed waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno kalluunku,  waana inaanu ilaashano oo  aanu si wax ku ool ah u nidaamsanaa hannaanka kalluumaysiga.”