Madaxawyne Geealah Jabuuti, Ciidamada Ethiopia waxay Ku Joogaan Soomaaliya Hsehiis uun dhexmaray muqdisho iyo Adis ababa,Ciidamada Soomaaliyana waa inaanay ka amar qaadan taliyaha etiopian ka ah

0

31-kii bisha January waxa taliyaha ciidamada Midawga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga la wareegay Jeneraal Tigabu Yilma oo ah sarkaal Itoobiyaan ah. Waxa ay xil wareejinta oo aan la filayni dhacday maalmo kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni sheegay in aanay Soomaaliya dawladnimo ka jirin. Waxa taliyaha AMISOM ahaa jeneral Jim Beesigye Owoyesigire oo sarkaal reer Uganda ah

 

Arrimahaasi kadib waxa soo baxay warar ku saabsan in xafiiltan ka dhex istaadhmay dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay in uu ka cadhooday in Itoobiya hoggaamiso ciidamada Midawga Afrika “Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ciidamadiisa ku wargeliyay in ay
joogaan goobahooda oo aanay ka amar qaadan taliska cusub,” Sidaas waxa yidhi xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya ah oo aan magaciisa la sheegeen.

Xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta Horn Globe oo ka faalloota arrimaha Geeska Afrika waxa uu sheegay in ay arrintani tahay mid werwerkeeda leh, islamarkaana mushkilad ku ah horusocodka hawlgalka AMISOM.
Mareegta Horn Globe waxa ay sheegtay in guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo farriin ka sida Madaxweyne Farmaajo socdaal qarsoodi ah ku tagay Jabuuti si uu u dejiyo cadhada madaxweyne Geelle. Xildhibaanno iyo shaqaalaha golaha ayaa sheegay in socdaalku ahaa mid rasmi ah laakiin, si qarsoodi ah uu u tagay guddoomiyuhu Jabuuti.

Ciidamo gaadhaya 4,200 oo askari ayaa Itoobiya ka jooga dalka Soomaaliya waxaana jira ciidamo aan tiradooda la ogayn oo ka hawlgala qaybo Soomaaliya ah iyaga oo aan ka tirsanayn AMISOM waxaanay ku joogaan heshiis la sheegay in uu Addis Ababa iyo Muqdisho ka dhexeeyo.

Hadda taliyaha AMISOM ee reer Itoobiya waxa uu maamulaya inka badan 20 kun oo ciidamada Midawga Afrika ah waxaana laga warwarsan yahay in uu isbedel ku sameeyo meelaha ay ciidamadu kala qaabilsan yihiin “Haddii Ciidamada Jabuuti ama kuwa Uganda la qaado oo Muqdisho la keeno ciidamada Itoobiya, waxa ay keenaysa in Soomaalidu ka hor timaaddo ama la dagaallanto ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta ah,” Sidaas ayuu yidhi Cali Nuur Maxamed oo ah falanqeeya arrimaha ammaanka ah oo fadhigiisu Muqdisho yahay.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhti badan taageerayay sidii Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd waxa sanadkii hore qalbi jab ku noqday markii Soomaaliya u ololaysay in Ereteriya oo ay is hayaan Jabuuti laga qaado cuno qabataynta hubka waxaanay hadda u muuqata in saamayntiisa dhanka AMISOM ay la wareegtay Itoobiya oo dabada ku haysa Ereteriya.

Waxa kale oo maalmihii u dambeeyay la arkayay Soomaalida oo si weyn uga cadhootay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya. Waxa uu Museveni sheegay in ay jiraan dalal aan dawlad lahayn laakiin jira isaga oo ka hadlayay dawladnimada waxaana la sheegay in Soomaaliya hadalkaasi cabasho ka gudbisay.