Bangigii Berbera oo Dibudhis iyo qalabayn Lagu wado iyo rajada shaqadii bangigaasi oo dib usoo noolatay

0

Bangiga dawaladu aay Leddahay ee Berbera ku yaal  ayaa  tan iyo intii la dhisay oo ku   dhow  nus qarni waxaa  waqtigan lagu sameeyay dibu dhis casri ah  oo  loo qorsheeeyay in uu  qabto shaqaooyinka  aay qabtaan bangiyada private ka ah, Sida aanu warka ku helnayna waxa tababaro la jaanqaadaya tiknoolijiyada casriga ah ee bangiyada lagaga shaqeeyo dhawaan lasiin doonaa shaqaalaha bangigaasi ka hawlgali jiray iyo dhalinyaro kale oo aqoonyahano ah  loo carbin doono shaqada bangigan berbera,

Bangiga berbera wuxuu ahaa ka ugu shaqada badan bangiyada Somaliland sababtoo ah  wuxuu qaban jiray dakhliga lacageed ee dawlada ugasoo xerooda dekada berbera inakstoo  hantaaqao ku timid intii dekada berbera aay maamulkeeda la wareegeen shirkada carbeed ee Dp world  oo iyadu xiligan isticmaasha bangiyada private ka ah ee dahabshiil iyo salaama bank,

Laakiin sidaanu xog ku helnay waxa laga yaabaa in mar hadii la hagajiyay baniga dawlada in xidhiidh cusub dhex maro bangiga dhexe ee Somaliland iyo shirkada Dp world oo dib loo so celiyo shaqadii ka dhxayn jirtay dekada iyo bangiga berbera,

Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim jaamac baqdaadi ayaa sida muuqata mudadii uu xilka hayay sameeyay isbdel tadawar ah dhanka shaqada bangiyada Somaliland iyo waliba dibu dhiska  bangiyada oo laga dhigay dhismayal casri ah oo qalabaysan xataa shaqaalaha aya lasiiyay tabobaro, 

Dabcana Gudoomiyaha bangiga dhexe Baqdaadi wuxuu la dagaalamay musuq maasuq  ka dhex jiray maamulka bangiyada kuwa ugu sareeya oo qaarkood ka taajireen maamuladii ama bangiyadii aay gacanta ku hayeen intii xukuumadihii rayaale iyo siilaanyo, sidoo kale wuxuu dagaal adag ku qaaday sicir bararkii oo waxaa muuqata in doolarkii hoos usii socdo, waxaana iyana xusid mudan jooji taanka uu hakiyay in lacago cusub  in  lasoo daabaco waxaana cad in uu leeyahay latiliyayal aqoon u leh dhaqaalaha iyo maamulka bangiyadaba.

Hadaba waxa iswaydiin leh gudoomiye Baqdaadi hore ma usii socon doonaa  mise dariiqaa uu jeexay dib ayuu uga noqon doonaa waxase la eegidoonaa waqtiyada soo socda sida uu uga hawlagalo shaqadaa adage e hortaala

Hadhwanaag news berbera

Wariye yassin jama ali