Jamaal Cali Xuseen, Tuugadu waa Labo Nooc, yaabay Sideetan Milyan ayaa La ……………

0

Iyada oo la shaaciyey deyn xad dhaaf ah oo ay xukuumadu la ciirciirayso ayaa siyaasiyiinta somaliland waxay siyaabo kala duwan uga hadlayaan daynta gaadhaysa 80 Milyan ee doolar ee xukuumadu la ciirciirayso.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye waxa uu macno u waayey deynta xad dhaafka ah ee hada la shaaciyey in lagu leeyahay xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi, taas oo uu ku tilmaamay mid la xaday.

Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu kaga hadlaya xaalada taagan ee deynta ay la ciirciirayso xukuumada Muuse Biixi ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa waxa uu ku yidhi “Waxa

laba jira laba nooc oo tuuganimadda ah, mid si toos ah ayuu u xadaa wixii markaa yaalla. Hadaba waxa jira tuug nooc kale ah oo isagu intaanu waxba xadin dadka ka sii dhaadhiciya inay lacagtaasi maqan tahay. Hadaba nooca danbe ayaa khatar ah. Waxba garan maynee si Alle u daa.