Dawo afhayeenkii Xisbiga wadani oo xilkii laga Qaaday, Laguna Tuhmay in uu Dus Dus u sameeyay Xukuumada Somaliland

0

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ahaa afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay xil ka qaadis uu ku sameeyey gudoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Ciro.

 

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sheegay inaanu wax dhib ah u arkin xil ka qaadista uu ku sameeyey gudoomiye Ciro waxaanu yidhi “Guushii xisbigu ku noqday xisbiga qayb laxaad leh ayaan ku lahaa. Muddo dheer oo aan ahaa afhayeenka xisbiga umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba way ka war haysay meesha aan gaadhsiiyay iyo tacabka aan galiyay intaba,” Sidaas ayuu yidhi Mr Buubaa.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan idiin sheegaya in siyaasaddu tahay qori isu dhiib

maantana haddii afhayeenkii xisbiga lagu wareejiyo saaxiibkay Barkhad waan ku hambalyaynaya waanan ku soo dhawaynaya guddoomiyaha oo go’aanka qaatayna isaga laftarkiisa waan ku hambalyaynaya wax cudur ah oo aan maanta u arko in ay dhibaato tahay ama aan dhinacayga saluug ka muujinayo midna ma jirto. Waxaan leeyahay guddoomiye muddadii aynu soo wada shaqaynaynay waad ku mahadsan tahay Barkhadna waxaan u rajaynaya in uu shaqadiisa gudan doono,” Sidaas ayuu yidhi Mr Buubaa.