Siyaasi cali Guray oo ka hadlay saamiga Kuraasta Laysku hayo ee Baarlmaanka

0

Siyaasi Cali Guray oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa soo bandhigay aragti uu aaminsan yahay oo uu sheegay in lagu qaybin karo kuraasta golaha wakiilada.

Siyaasi Cali Guray ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku yidhi :-

WAADAAN KA ADKIYE WAX KALAA JIRA!
Muddo ku dhaw sagaal sanadood sabab macquul ah miyay tahay in mud dhaafka doorashada wakiiladu ay u qabsoomi kari wayday sida dadka loo sheego salami-qaybsiga 82 kursi ee golaha.

Anigu ma rumaysan karo oo waxan leeyahay waadaan ka adkiye wax kalaa jira. Beesha Dhexe 57 kursi ayay ku heshay ama ku qaadatay doorashadii

2005tii halka beelaha kale ay ku heleen ama lagu siiyay 25 kursi. Taasi waxay kuligeedba burinaysaa in saami-qaybsigii doorashada lagu saleeyay saami-qaybsigii 33kii kursi ee lixdankii oo 13 kursi ay lahaayeen beelaha kale oo marka loogu dhufto 2.5 u noqonaysay 33 kursi.

Taasi macnaheedu waxay tahay in 8 kursi oo dheeraad ah ay beech dhexe ka boobtay beelaha kale ee Somaliland.

Kuraasida ugu badani waxay ka dhiman tahay beelaha bariga gaar haan Dhulbahante oo lahaa lixdankii 5kursi saami u yeelanayay 12.5.
Hadaba aniga wax isu kay laban la’ midnimada iyo wadajirka Somaliland was muhiim iyo hadana sida wax loo wada yeelanayo ama loo wada yeelan lahaa oo aad runta uga fog runta. Hadii ay sidan ku sii socoto Somaliland iyo beelaha barigu way sii kala fogaan marks maxay tahay midnimada iyo wadajirka laga hadlayaa?