Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Xukun Ku Riday Caruur Darbi Jiif Ah Oo Xukuumadu U Xidhnaa

0

Xukuumada somaliland ayaa shaacisay in xukun lagu riday caruur darbi jiif ah oo tiradoodu gaadhayso 20 kuwaas oo la qabtay wakhti ay samaynayeen mudaharaad cabasho.

Xogo rasmi ah oo ay Hadhwanaagnews ka heshay  wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland ayaa xaqiijiyey in caruurtan darbijiifka ah lagu xukumay 6 bilood oo xadhig ah ka dib markii la horkeenay maxkamada gobolka Maroodijeex.

Warka ayaa sheegaya in xukuumadu ay u cuskatay xadhigan caruurtan darbi jiifka ahayd inay doonayso in loo sameeyo dhaqan celin isla markaana caruurtan jeelka loogu samayn doono barnaamijyo noloshooda lagu soo kaabayo.

Si kasta ha ahaatee ururada xuquuqda u