Gudoomiye Axmed Shide Oo Gaadhay Magalada Jigjiga Iyo Ujeedada Safarkiisu La Xidhiidho

0

Gudoomiyaha xisbiga haya talada deegaanka soomaalida Itoobiya Axmed Shide uu gaadhay magaalada Jigjiga.

Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in gudoomiye Axmed Shide markii uu gaadhay magaalada Jigjiga soo dhawayn loogu sameeyey garoonka diyaaradaha ee Wiil- Waal Airport.

Madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo khilaaf u dhaxeeyey gudoomiye Axmed Shide ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey.

Gudoomiyaha xisbiga shacabka soomaalida Itoobiya Axmed Shide ayaa safarkan uu ku yimid magaalada Jigjiga waxa uu la xidhiidhaa diyaar garawga loogu jiro qabashada shirweynaha xisbiga haya talada dawlad deegaanka.

Sidoo kale gudoomiye Axmed Shide ayaa kulamo la qaadan doona madaxda

 

dawlada deegaanka soomaalida iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee madax dhaqameedka, kuwaas oo la filayo in lagaga wada hadlo sidii loo shaqayn lahaa horumarinta deegaanka.

Madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa hore u sheegay in la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyey gudoomiyaha xisbiga ahna wasiirka maaliyada ee dawlada federaalka ah ee Itoobiya Axmed Shide, isaga oo sheegay in hada laga shaqaynayo horumarinta deegaanka.