Deg Deg, Arimo Cusub oo Kusoo Kordhay Siyaasada mucaardka somaliland, Xanuunka oo Mucaaradnimo laga dayo+xanuun laga Been Sheego iyo jawaabo kulul oo laga Bixiyo

0

Wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaa ka hadashay xaalada caafimaad ee uu ku sugan yahay wasiirkii wasaaradaasi.

War uu soo saaray afhayeenka wasaarada hawlaha guud ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee wasiirku ay haatan fiican tahay, iyada oo waxba kama jiraan lagu tilmaamay warar ka soo baxay xisbiga Waddani.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay afhayeenka wasaarada hawlaha guud ayaa u dhignaa sidan:-

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu Ku Suganyahay Xaalad Caafimaad Midii Ugu Wanaagsanayd, Dhib Iyo Xanuun Laga Dayriyo Midna Mahayo, Mana Yaalo Lamana Dhigin Cisbitaaladda Hargeisa Ku Yaal, Wax Dhakhtar Loo Dhigaana Mahayaan, Kaliyaata Hargab Fudud Ayaa

Haleelay, Hoygiisa Magaaladda Hargeisa Ka Degnyahay Ayuu Jooga, Nasasho Iyo Fasax Ayuu Ku Jiraa.

Maahan In La Is Barbardhigo Labadda Wasiir Ee Caafimaadka Iyo Hawlaha Guud, Wasiirka Caafimaad Isaga Xanuun Adag Oo Culus Ayaa Ku Dhuftay, Wasiirka Hawlaha Guud Isaga Hargab Yar Ayaa Haleelay Imikana Wuu Badqabaa, Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Golaha Wasiiradda, Golaha Wakiiladda, Guurtida Cid Aan Soo Booqan Majirto, Mana Hayo Xanuun Weyn Oo Madaxweyne Usoo Booqdaa, Wuu Caafimaad Qabaa Wasiirku.

Waxaanu Ka Xunahay Ereyadda Deelqaafka Leh Ee Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Hawadda Soo Mariyeen, Ayaan Daro Iyo Anshax Xumo Weeyi In Wax Laga Dayo Oo Xanuuna Lagu Sheego Masuuliyiinta Xukuumadda, Isla Markaan Loo Sahadiyo Xanuun Aan Hayn, Cidii Tiri Warkaas Iyadda Ayey Ku Maqantahay.

Xisbiga Waddani Waxa Uyaala Inay Buuxiyaan Kaalinta Mucaaradnimo Ee Ay Baneeyaan, Waxaana Uguba In Ay Habaaraan Isla Markaan Xanuun Iyo Dhibaato Usahadiyaan Masuuliyiinta Xukuumadda, Gudoomiyaha Anshaxa Xisbaga Waddani Ee Maanta Ereyadaasi Kasoo Yeedhaan Waa Abaal-laawe Ayaan Daran, Waanu Ka Xunahay Inuu Noqdo  Dhallankii Hoyadii Ilamaha Baray.

Warbaahinta Madaxa Banaan Waxaan Ugu Baaqeynaa Inay Ka Waantawdo Wararka Been Abuurka Ee Ay Baahinayso, Waanu Ka Xunahay In Aad Siyaasadeysaan Qof Xanuunsanaya Isla Markaana Ay Ka Dayaan Iskudir Iyo Burabugaando. Maaha Madaxbanaasho Warbaahineed Cayda Iyo Qadaf Lagula Kacayo Madaxda Qaranka.

 

C/raxmaan C/laahi Wirdaani

Agaasimaha Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Goboladda ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.