Farmaajo oo Xidhiidhka u jaray wadanka ugandha oo ah wadanka ciidamada ugu badani ka joogaan somaliya

0

-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay inay xidhiidhkii u jartay wadanka Uganda oo ka mid ah wadamada ciidamadu ka joogaan soomaaliya.

War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ayaa lagu sheegay in talaabadan lagaga jawaabayo hadal ka soo baxay madaxweynaha dalka Uganda kaas oo dalka soomaaliya ku sheegay mid aanay ka jirin wax dawlad ahi.

Madaxweynaha Uganda Yeweri Musevani, ayaa Teleshinka NTV Uganda ka sheegay in Somalia aanay lahayn dawlad nidaamsan oo shaqeynaysa, taasi oo muujinaysa niyad-jabka kaga dhacay Xukuumadda aan dalkeeda xaslan karin ee Muqdisho ku urursan.

Madaxweynaha Uganda wuxuu tilmaamay in ay jiraan dalal badan oo aan laheyn dawlad, waxase uu carabka ku dhuftay in Somalia ka mid tahay Waddamadaas.

Yeweri

Musevani wuxuu intaas ku daray in dalalka kale aanu u magacaabi karin xidhiidhka diblomaasiyadeed awgeed, waxaanu shaaciyey Somalia oo kaliya, taasina waxay ka turjumayaa siyaasiyan in aanu xaalleynayn xidhiidhkooda ama uu garwaaqsaday in aanay ka maarmi karin taageeradiisa Xukuumadda ciidammada shisheeye ilaaliyaan ee Farmaajo
.
Sababta Madaxweyne Musevani uu Somalia caddeeyey dawlad la’aanta Somalia, wuxuu ogaaday inay nugul yihiin oo aanay ka kaaftoomi karin kaalinta uu ugu jiro, maadaama 6 000 oo askari oo dalkiisa ka socdaa ay ka mid yihiin ciidammada AMISON ee ka hawlgala Somalia.

Waxase la yaableh in qoraal ka soo baxay Soomaaliya lagu sheegay inay hakiyeen xidhiidhkii ka dhexeeyey Uganda,taasi oo ah go’aan khiyaal ah oo lagu marin habaabinayo shacabka Somalia.