Deg Deg, Xubnha komishinka doorashooyinka Somaliland oo la sheegay in aay isvcasilaad ka dalbadeen madaxwayne biixi

0

Ilo wareedyo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka qaranku ay kulan fool ka fool ah la yeesheen madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, kulankaasi oo ay codsadeen gudiga doorashooyinku waxa uu daarnaa is casilaad ay gudigu doonayaan in ay dhawaan ku dhawaaqaan, taasi oo ay wararku sheegayaan in ay gudiga doorashooyinku madaxweynaha u soo bandhigeen in ay doonayaan in ayna carqalad ku noqon doorashooyin dalka ka qabsooma, taasi oo ay sheegeen in ay cadaadis xoogan kala kulmayaan dadweynaha reer Somaliland oo ka codsaday in ay xilka baneeyaan oo dalka bad baadiyaan madaama oo aan xisbiyada tartamaaya ayna raali kuwada ahayn.

Kulankani dhex maray madaxweynaha iyo gudiga doorashooyinka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Somaliland, waxana ay wararku sheegayaan in madaxweynahu uu arintaasi aad uga xumaaday kulana taliyay in ay arintaasi aad uga soo fikiraan oo ayna ku deg degin.

Dhanka kale dadweynaha ku dhaqan caasimada iyo dadka siyaasada Somaliland la socda ee ku kala sugan gobolada dalka ayaa arinta is casilaada ay damacsanyihiin gudiga doorashooyinku aad u soo dhaweeyay.

Waxana hubaal ah hadii ay gudiga doorashooyinku ku adkaystaan is casilaadooda in ay noqon doonto Somaliland mid uu waa cusubi u soo baxay