Sida ay xiisadda Venezuela isugu baddali karto dagaal caalami ah

0

Xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan gudaha waddanka Venezuela ayaa halis ugu jira iney isu rogaan kuwo caalami ah, maadaama ay dalalka ugu quwadda weyn caalamka kala taageersan yihiin dowladda iyo mucaaradka dalkaas.

Iyadoo Arbacadii ay mudaharaadyo lagu dalbanayay inuu is casilo madaxweyne Nicolas Maduro isu baddaleen qalalaase, hoggaamiyaha garabka mucaaradka ugu caansan ee lagu magacaabo Juan Guaido ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaas.

Waxa uu durba taageero ka helay Mareykanka, Canada iyo qaar ka mid ah waddamada awoodda leh ee dariska la ah Venezuela sida Brazil, Colombia iyo Argentina.

Midowga Yurub wuxuu ku baaqay in dalkaas laga sameeyo doorashooyin hor leh, waxa uuna sidoo kale taageero u muujiyay golaha wakiillada qaranka ee uu hogaamiyo Mr Guaido.

Ruushka iyo Shiinaha oo taageersan Maduro

Hase ahaatee dalal koox ah oo taageersan madaxweyne Nicolas Maduro waxaa ka mid ah dalalka awoodda badan ee kala ah Ruushka iyo Shiinaha.

Maalintii khamiista ahayd, xukuumadda Moscow waxay ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta dhawaaqa Guaido uu isugu magacaabay xilka madaxweynaha, waxayna arrintaas ku tilmaantay “mid si toos ah u horseedeysa in sharciga lagu tunto oo la banneysto daadinta dhiigga”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan ka digeynaa tallaabada noocaas ah ee qallafsan, taasoo horseedi karta cawaaqib aad u xun”.

Dhanka kale, isla maalintii khamiista ahayd, af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Hua Chunying ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Shiinuhu uu ka soo hor jeedo faragalinta shisheeye ee ku lifaaqan xiisadaha ka aloosan dalka Venezuela.

“Shiinuhu wuxuu taageersan yahay dadaallada ay dowladda Venezuela ugu jirto iney ku ilaaliso qaranimadeeda iyo madaxbannaanideeda isla markaana kusoo celineyso xasiloonida”, ayuu yiri Hua Chunying.

Dalalka Turkiga, Iiran, Mexico, Cuba iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageero middaas la mid ah u muujiyay madaxweyne Maduro.

Venezuela oo xiriirka u jartay Mareykanka

Balse waxay u badan tahay in xiisaddu ay isu baddali karto mid caalami ah, maadaama saraakiisha dalalka Venezuela iyo Mareykanka ay hadallo kul kulul hawada isu marsiiyeen.

Wax yar ka dib markii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sheegay inuu Guaido u aqoonsan yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela, madaxweyne Maduro ayaa ku dhawaaqay inuu xiriirkii diblomaasiyadeed gabi ahaanba u jaray Mareykanka.