Jabhadii Oromada Ee OLF Oo Heshiis Rasmi Ah La Gaadhay Itoobiya

0

Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya iyo ururkii jabhada Oromada ee OLF ayaa heshiis rasmi ah wada gaadhay.

Hogaamiyeyaasha maamulka Oromada, ururka OLF, madax dhaqameedka Oromada, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada siyaasada dalka Itoobiya ayaa goob joog ka ahaa saxeexida heshiiska oo ka dhacay jaamacada Ambo ee maamulka Oromada.

Dr. Milkesa Mideksa oo ka socday maamulka Oromada iyo gudoomiyaha ururka OLF Dawud Ibsa ayaa goobtii ay heshiiska ku saxeexayeen ka balanqaaday inay ka hortagayaan in dhiiga shacabku daato isla markaana wada shaqaynayaan iyaga oo iska dhaafaya wixii hore u soo kala dhexmaray.

Labada dhinac ayaa isku raacay in maantaba la

joojiyo dagaalada iyada oo la tixgalinayo heshiiska ay wada gaadheen ka dib  wada hadalkii ilaa salaasadii uga socday magaalada Addis Ababa.

Ugu dambayn labada dhinac ayaa isla gartay in xubno gaadhaya 71 loo soo saaro fududaynta dib u dejinta ciidamada jabhada OLF ee dib ugu soo noqonaya dalka Itoobiya.