Shirka Xisbiga Kulmiye sirta Boorama Loo Geeyay waa Maxay, Maxaase ka Jira in Axmed Cabdi Dheere loo Wado in uu Noqdo…………

0

tan iyo Doraad markii ay Masuuliyiinta ama hogaanka sare ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iclaamiyeen in Shirweynihii lixaad ee Golaha dhexe ee Kulmiye lagu qaban doono Caasimadda Gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxa isasoo taraya lafo gur iyo falanqayno ku saabsan sababta halkaasi loo geeyay iyo ujeedada ka dambaysa.

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Xisbiga Kulmiye gudihiisa ayaa daaha ka rogay in ujeedada ugu weyn ee loo geeyay in Shirweynihii Lixaad ee Kulmiye sanadkan loo qoondeeyo inuu ka qabsoomo Boorama ay ugu horayso cabsi laga qabo inuu buuq ka dhasho qorshe ay Madaxtooyaddu wadato oo ay badhi taarayso oo la

doonayo in si ku meelgaadh ah loogu sii cumaamadayo Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gudoomiye Ku Xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, kaasi oo mudo sanad ah la sheegay in Gudoomiye Ku meel gaadha loogu dooranayo Xisbiga KULMIYE, Walow warar hoose ay sheegayaan inaan shirkan Boorama ka dhacaya isbadel la taaban  karo lagu samayn doonin Xisbiga balse dib loogu riixayo shir kale, marka laga yimaado boosas banaan oo la sheegay in la buuxinayo oo qudha.

Warar kale ayaa sheegaya in Guux weyn uu ka dhex oogan Yahay Xisbiga Kulmiye Gudahiisa islamarkaana ay soo shaacbaxayso in Taageerayaasha Kulmiye, rag iyo Dumarba ku kala aragti duwan yihiin in si Ku meel gaadh ah loogu magacaabo Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere. Taageerayaal badan ayaa qaba inuu fikirkani qaldan yahay oo uu Xisbiga Halis galin karo halka kuwa kalena ay u sacabo tumayaan oo ay u arkaan fikirkaasi ka qudha ee Xisbiga badbaadin kara, meeshana ka saari kara xantii hore u jirtay ee ahayd inay laba deegaan uuni Xisbiga qoriga iskugu dhiibaan. Sidoo kale waxa jira kala qaybsaan weyn oo Xisbiga Gudihiisa ka jirta taasi oo ay Qaar ka mid ahi la doonayaan in si rasmi ah Booska Gudoomiyaha Kulmiye loogu magacaabo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo in muddo ah Booskan Quudaraynayay, halka kuwa kalena ay fikir kale qabaan.

Garabada Dhalinyaradda iyo Haweenka Xisbiga Kulmiye ayaa si weyn saacadihii la soo dhaafay u falanqaynayay Ujeedada Shirweynihii Lixaad ee Kulmiye loogu door biday inuu Doorkan ka qabsoomo Boorama iyo qaabka uu shirkaasi ku soo afmeermi doono iyadoo aad looga walaacsan yahay Qurbajoog badan oo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ka tirsani sida ay u soo haleeli doonaan ee ay u  iman doonaan Shirka iyo waxa laga yeeli doono, iyo iclaamkan deg degga ahi saamaynta uu ku yeeshay kasoo qayb galkooda.

xigasho HWN