Cajiib, Nin dhalinyaro ah oo habeenkii Arooskiisa iska ooyay maxaase sababay

0

Waxaa baraha buslshada aad looga hadal hayaa wiil ku ooyay xafladdii arooskiisa, waxay dadka ka doodayaan sababta uu u ilmeeyay iyagoo qaarkood leh wuxuu u ooyay “jaceylka uu xaaskiisa u qabo”.

Muuqaal yar oo laga soo duubay xaflada ayaa lagu arkayay wiilka caruuska ah oo ilmeeynaya ayna illinta ka tirtireeyso gabadha caruusadda ah.

Waxaa dhif iyo naadir ah in la arko nin Soomaali ah oo meel fagaaro ah ku ilmeeyo farxad uu dareemayo awgeed, waxay dadka Soomaalida ah badankood qabaan in ragga ay yihiin kuwa ‘calool- adag’ oo dareenkooda qarsada.

Hasayeshee, waxa taasi beeniyay Sadiiq Cabdinaasir oo dareenkisa aanan qarsan oo xaaskiisa iyo dadkii joogay xafladaba u muujiya jaceylka u u qabo xaaskiisa.

”Dadka baraha bulshada arrintan aad ayey uga hadal hayaan waan arkay, qaarba si xun u turjumay laakiin qof walbo bini’aadam ah oo qalbi leh maalin ayuu ooyaa, waxaan la ooyay farxad darteed, sida ay qoyskeeyga uga soo qeyb galeen xaflada arooskeyga iyo inaan hantiyay qofkaan dunida ugu jeclaa”, ayuu yiri Sadiiq Cabdinasir oo BBC-da la hadlay.

Waxay ahayd habeen xasuus ku reebtay dadka ka soo jeeda gobolka Mudug oo arrintan siyaabo kala duwan uga falceliyay qaarkood ayaa waxayba aaminsanihin in reer Mudug ay yihin dad aanan lagu aqoonin calool jileec.

“Wiilka wuxuu la ooyay jaceeyl uu u qabo xaaskiisa, laakiin waxay ahayd inuu qarsado oo markay isku soo haraan uu iyada kali ah u u muujiyo jaceylkiisa, reer Muduga laguma ogeyn calool jileecaas” ayuu yiri Cabdirisaaq Dhilood oo Garoowe jooga.

Qaar ayaa aaminsan in tani ay tusaale u noqon karto raga Soomaalida ah ee qarsada jaceylka ay xaasaskooda u hayaan.

”Waxaan ka aaminsanahay arrinta hadal haynta badan dhalisay ee Sadiiq Cabdinaasir uu ooyey xiligii aqal galka inay ku keentay jacayl uu u qabay xaaskiisa waxayna ahayd dareen geesinimo iyo kalsooni leh ee u muujiyey nolashiisa cusub,wuxuuna raga Soomaaliyeed u noqday tusaale” Ayuu yiri Cabdirisaaq Axmad Jaamac oo ka mid ah dhageestayaasha BBC-da.

Saadiq Cabdinaasir ayaa sheegay in arrintan baraha bulshada lagu dhax wado aanay wax saameyn ah ku reebin isaga iyo xaaskiisa.