DUGSIGA H/DH EE SUUQSADE OO KA FAA’IDAYSTAY MASHRUUCA GARGAARKA WAXBARASHADA EE AY MAALGALINAYSO HAY’ADDA UNICEF IYADA OO KAASHANAYSA URURKA YOVENCO

0

Roob yaraan ayaa ka muuqanaysaay gobolada qaar ee Somaliland taas oo carruurta ay soo foodsaartay xaalad khataro daba-dheeraday oo ay sababeen dagaaladda abaaraha iyo iyo barakacu taas oou bahan kaalmo bini-aadanimo. Si gaara ah, 7,895 iyo 13, 875 arday oo ku jiray dugsiyada  marka la eego xogtii hore  UNICEF iyo mashruucdii  ilmo wax bar ( AEC)  2017 EIE ee isku xigay ayaa looga baahan yahay gargaar  si ay u sii wataan wax barashadooda waliba meesha u dhow ay ka heli karaan dugsi waxbarasho  ama in loo sameeyo meelo  ku meel gaadha ah, meel  ay saamayntu gaadhay  ee aanay jirin adeeg waxbarasho.

Waxa fulinaya mashruucan Hay’adda wadaniga ah ee YOVENCO  waxaana  maalgalinaya Hay’adda qaramada middoobay ee carruurta UNICEF, waxaana laga fulinayaa Gobolladda Saaxil, Togdheer iyo waliba Maroodijeex  gaar ahaan, 36 dugsi oo kala duwan ayuu si toos ah u caawinayaa. Guud ahaan, bulshada ay dhibaadatu soo gaadhay waxay ahaayeen xoolo dhaqatada iyo bulshada reer miyiga ah iyadadoo waxbarashada dawladda iyo ku gaarka loo leeyahayba noqdeen qaar adeegoodu hooseeyo marka laga eego dhinaca bixinta adeega waxbarashada.

Si loo xaliyo dhibkaas aan soo sheegnay, UNICEF waxay qorshaysay inay sii wado gargaarka waxbarashada ee saddex iyo soddan kun iyo shan boqol iyo sideetan iyo shan( 33,585) arday  kuwaas oo ahaa  qaar ay hore UNICEF u taageeray 2017 mashruucii  EIE (Education In Emergency ) waxbarashada degdega  ah  isla markaana lagu soo kordhiyey lix kun afar boqol iyo sideetan arday (6480) oo dhigta 36 dugsi oo ay saamaysay xaalada degdega ah ee aynu soo sheegnnay kuwaas oo u baahan jawaab degdega ah oo bani-adanimo. Mashruucu wuxuu gaargaari doonaa 6,480 arday ee goobaha ay sameeyeen dhacdooyinkaasi aan soo sheegn, mashruuca waxa uu fursad siinayaa inay dugsugiga la qoro laguna soo celiyo 6,482 (2,916 hablo ah) oo arday oo ay UNICEF gargaartay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2018 iyo mashruuca EIE gargaarka degdega ah 2017 ee 36 saamaayntu gaadhay ee ka tirsan Gobolada SAAXIL, MARAOODI JEEX iyo TOGDHEER.

Mashruucani wuxuu siin doonaa deeq  lacag ah oo loogu talo galay dugsiyadda si loogu daboolo baahiyaha dugsiyadda oo ku jiraan biyaha, naadafada iyo fayodhawr ee wiilasha iyo hablaha ee 6480 arday ee mashruucu caawinayo , tababaro lasiin doono  gudiyadda waxbarashada oo la xidhiidha  maaraynta dugsiyada, wacyi galinta  bulshada, dhaqaale ururinta bulshada ,ka qaybqaadashada iyo u doodida dahana dugsiga.

Hadaba Dugsiga hoose dhexe ee Suuqsade oo ka tirsan degmadda Sheekh ee gobollka Saaxil oo ka faa’idaysanaya mashruucan waxaa loo sameeyay dayactir balaadhan oo ay ka mid tahay in loo dayactiray dayrka kaas uu ka muuqday burbur badan lagana hagaajiyay wixii dayac ka muuqday dayrka loona dhisay qaybihii banaanaa, isla dayactirka ay ku jirtay in dib u habayn iyo nashqadayn guud lagu sameeyo dugsiga oo bilicdiisa kor loo qaado. Mashruucani waxa kaloo dugsiga u sameeyay biyo-galin balaadhan taas oo ay ka faaidaysanayaan ardaydu haday noqoto dhinicii suuliyaasha iyo haday noqoto dhinicii faraxalka. Biyahaa waxay uga faaidaysnaya dhinac walba hadii ay dhir beeris dugsiga una fududaanayso inay ku waraabsadaan biyahaa loo galiyay, isla markaana ay carruurta, macalimiinta iyo shaqaalaha dugsigu ay cabi karaan.

Mashruucu wuxuu ka taageeray dugsiga dhinaca cuntada, iyoo imika ardayda loo kariyo hal wakhti, taas oo meesha inay ardayda ka yimaada meelaha fogfog ay iman waayaan. Iyadoo ay markii hore jireen macalimiin badan oo aan gunno helin ayuu mashruucan waxbarashada degdega ah ee meelaha ay abaaruhu saameeyeen, kana taageeray dugsiga inuu gunno siiyo 2 ka mida macalimiinta si kor loogu qaado tayada macalimiinta iyo tayada waxbarasha dugsiga gaar ahaan ardayda. Waxa sidoo kale dugsiga laga caawiyay in sameeyo fasal gelinka dambe ah oo loogu talo galay ardayda gelinka hore soo iman kari waayay dugsiga.