deg deg war Tahriibayaal Ku Dhintay Badda Liibiya

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay 270 ah muhaajiriin ay ku qaraqmeen badda Mediterranean-ka maalmihii u dambeeyay.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Taliyaaniga ayaa soo gaartay goobta ay musiibadda ka dhaacday ee biyaha Liibiya.

Doon ka samaysan caag ayaa sii quusaysay markii ay diyaaradaasi goobta soo gaartay.

Shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa waxaa u suuragashay in ay badda ka soo badbaadiyaan saddex qof ,balse waxaa halkaasi ku dhintay dad badan oo doonta saarnaa.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa labo waxa ay u dhasheen dalka Sudan ,halka midka kale uu u dhashay dalka Gambia.

Dadkan badbaaday ayaa waxay sheegeen in doonta ay saarnaayeen 120 qof.

Afhayeen u hadashay hay’adda qaxootiga ee UNHCR Liz Throssel ayaa sheegtay in dadka muhaajiriinta ah ay u baahan yihiin caawi

Balse dowladda Taliyaaniga ayaa waxaa ka go’an in ay joojiso in muhaajiriinta ay soo gaaraan xeebaheeda.

Waxa ay dowladda Taliyaaniga rumaysan tahay in maraakiibtaa samatabixinta ee hay’adaha ay gacan wayn siiyaan muhaajiriinta.

Xukuumadda Taliyaaniga ayaa ku dooday in arrintan ay dhiirigalinayso in dad badan ay naftooda galiyaan halis.

Sanaddii 2018, 2,262 qof ayaa ku dhimatay iyaga isku dayaya in ay ka soo tallaabaan badda Mediterranean si ay u gaaraan dalalka Yurub.