BBC Maxaad kala socotaa Dayax Madoobaadka la sheegay in uu dhacayo

0

Cirbixiyeenada ayaa soo uruurinaya macluumaadka dayax madoobaad la sheegay in uu dhacayo, kaas oo ay dadka qaar sheegayaan in uu la mid yahay kii bishii July dhacay oo loo bixiyay “Bil-dhiig”.

Dayax madoobaadku waxaa si fiican looga arki karaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, qeeybo ka mid ah galbeedka Yurub oo ay ka mid tahay UK iyo waqooyiga Afrika.

Waa maxay dayax madoobaad?

Dayax madoobaad wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan, taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa.

Dayax Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka.

Habeenka uu dhacayo dayax madoobaadka, waxaa kaloo la socda wax la yiraahdo “Bil dhiig”, sababta loogu bixiyeyna waa midabka guduudan ee uu yeelanayo dayaxa.

Tani waxaa loo aanaynayaa iftiinka ka dhasha marka dahaarrada dhulka ka sarreeya (atmosphere) uu sii dhex maro iftiinka qorraxda oo uu yeesho midab u eg kan burtuqaalka (oranjada) ama casaan, kaasoo ku dhaca dayaxa.

Waxaa intaa dheer in dayax madoobaadkan uu dhici doono, ayadoo dayaxu uu marayo halka ugu shishaysa ee dhabbaha wareegga ah ee uu ku socdo.

Dayax madoobaadku waxa uu billaabanayaa Isniinta oo ay taarikhdu ku beegantahay 21 Janaayo, iyadoo marka hore qeeyb ka mid ah dayaxa madoobaan doono.

Dayax madoobaadkan ayaa waxaa sidoo kale laga arki doonaa Waqooyi Galbeeed ee Faransiiska, Waqooyi Galbeed ee Spain, Portugal iyo qeeybo ka mid ah Galbeedka Afrika.

Waxaa sidoo kale laga arki doonaa dhammaan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, bariga Pacific iyo Waqooyi-bari Ruushka.

 

Eegidda dax madoobaadka adigoon qalab ku eegeeynin waxba dhib ah malahan balse waxaa aad u khatar badan in la eego qorax madoobaadka.Dhacdadaan ayaa ah fursaddii ugu dambeeysay ee ay cirbxiyeenada UK arkayaan dayax madoobaad tan iyo inta laga gaaro sanadka 2029-ka.