Wariye Cabdimalik Coldoon oo Ethiopia xidhay kadib markii uu jig jiga ka bilabay filim

0

Ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa goor dhawayd xidhay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo magaalada Jigjiga, ciidamada liyuu booliska ayaa deegaanka Gaashaamo ka soo qabtay wariye Coldoon iyo hawl wadeeno kale oo la shaqaynayey.

Xadhiga wariye Coldoon ayey wararka hordhaca ahi sheegayaan inuu sababay barnaamij uu waday oo ku saabsan tacadiyadii ay ciidamada liyuu booliska gaysan jireen cahdigii Cabdi Iley.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ay dawlada soomaalidu Itoobiya ka soo saareen xadhiga wariye Coldoon iyo hawl wadeenadii la shaqaynayey.