Tirada dadka ku dhintay weerarkii Nairobi oo korortay

0

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya, waxaa sare u kacday tirada khasaaraha dhimasho ee ka dhashey weerarkii lagu qaadey hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Inta la xaqiijiyey dhimashada ayaa la sheegay inay hadda tahay 21 qof, ayadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu hore tirada ugu sheegay 14 qof.

Sidoo kale, baraha bulshada dalka Kenya ayaa si weyn loogu hadal hayaa in labo ka mid ah dadkii falkaasi geystey la aqoonsadey inkastoo dowladdu aysan ku dhawaaqin. Sidoo kale, waxaa jirta in dhowr qof loo xir xirey falkaasi.