Madaxweynuhu Awood Ma U Leeyahay Inuu Kala Diro Goleyaasha Deegaanada Ee Dalka Oo Dhan

0

Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi uu qorshaynayo inuu kala diro goleyaasha deegaanada ee dalka.

Sidoo kale waxa su,aalo layska waydiinayaa awooda uu madaxweynuhu u leeyahay inuu kala diri karo dhamaan goleyaasha deegaanada ee dalka iyo heerka ay gaadhsiisan tahay awooda uu dastuurku u ogol yahay.

Hadaba xoghayaha fulinta xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa fariin uu baahiyey waxa uu ku soo bandhigay awooda madaxweynuhu u leeyahay kala dirida goleyaasha deegaanada ee dalka, waxaanu fariintiisa ku yidhi:-

Madaxwaynuhu ma kala diri karaa dhamaan golayaasha deegaanada ee dalka oo dhan?   Maya.

Madaxwaynuhu wuxuu u

kala diri karaa gole (hal gole) si waafaqsan qodobka 29(3) ee Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka. Balse dhamaantood hal mar ma kala diri karo. Qaabka kala diridda gole degaan waa mid ku xadidan qodobka 29aad ee Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka. Haseyeeshee, hadii mudo xileedka golayaasha deegaanadu dhamaato iyada oo aan goleyaal kale la dooran waxa xilka si ku meel gaadh ah u sii haynaya xoghayaasha golayaasha degaanada. Balse taasi ma noqon karto sanado, waa mudo kooban oo doorasho lagu gaadhayo.”