Canfar gadooday oo jaray jidka marinka u ah xamuulka ugasoo dega ethiopia dekada jabuuti

0

Addis Ababa (Ilays-News):- -Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ee Itoobiya ayaa toddobaadkan xidhay Waddada halbawlaha ah ee isku xidha  Ethiopia iyo Jabuuti,. Jidkan ayaa ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha ka soo dega ama laga dhoofinayo Djibouti ee ay Itoobiya leedahay.

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay ku sheegeen shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanadooda kuwaas oo ay ku eedaynayaan qoomiyada Soomaalida.

Dibadbaxayaasha waxay sheegteen in rabshadahaasi lagu dilay dad badan oo Cafar ah, isla markaana hanti badan la burburiyey. Wargeyskan ayaa soo bandhigay sawiro laga soo qaaday dadkaas gadoodsan oo xidhay jidkaas.

Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa iyaduna shalay baahisay kacdoonka cafarta iyo sida ay u jareen jidkaas halbawlaha ah.

Waxa jira kacdoon qoomiyadaha ah oo ka socda Itoobiya, kaas oo saamayn ku yeeshay ammaanka guud ee Itoobiya. Kacdoonadan ayaa sidoo kale waxay caqabad ku noqdeen isbedeladii uu waday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaana isa soo taraya iska horimaadyada ka socda gudaha Itoobiya.

xigasho illays news