Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Addis Ababa Shir Ugu Qabtay Safiirada Ka Hawl Gala Safaaradaha Dibada Iyo Qodobada Uu Kala Hadlay.

0

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa safiirada dalkiisa ee wadamada dibada la falanqaynaya siyaasada arimaha dibada ee dalka Itoobiya.

War ka soo baxay xafiiska Raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed oo lagaga hadlayey kulan uu raysal wasaaruhu la qaatay safiirada Itoobiya ee wadamada dibada oo shir  uga furmay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu uu ka fariimo culus u jeediyey dublamaasiyiinta qaabilsan safaaradaha dibada.

Warka ayaa sheegay in raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed uu safiirada ku war geliyey muhiimada ay leedahay inay fahmaan isbalada caalamiga ah ee dublamaasiyada isla markaana ay hubiyo in la mideeyo fikradaha iyo ficilada ku

salaysan siyaasada arimaha dibada ee Itoobiya.

Sidoo kale warka ayaa sheegay in raysal wasaaruhu cadeeyey doorka ay dublamaasiyiintu ku leeyihiin inay fuliyaan siyaasada dawlada, isaga oo safiirada u soo jeediyey inay fahmaan siyaasadaha wadamada ay ka hawl galaan si ay u ilaaliyaan xuquuqda dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan wadamadaasi.

Sidoo kale kulankan dhexmaray raysal wasaaraha Itoobiya iyo safiirada dibada ee dalkaasi ayaa lagu falanqeeyey isbadalada ilaa hada ka hirgalay wasaarada iyo siyaasada arimaha dibada ee Itoobiya.