Home Wararka Maxey daarneyd negaanshaha Assiase Afworke laba caano maal Mugdisho

Maxey daarneyd negaanshaha Assiase Afworke laba caano maal Mugdisho

0
Wa marki u horeysey ee madaxweyne ajnabi u hooydo Muqdisho inti ka dambeysey burburki dawladdi Somalia 1991. Dhacdadan oo marka hore iftimineysa geesinimada madaxweyne Assiase Afworke madaama u naftisi ku biimeeyey innu u hooydo meel ka mid ah meelaha adduunka ugu khatarsan, marka xigtana waxey inna tuseysa mucangagnimada iyo keni adeyga uu dhashey, marka seddexaadna wuxu gudaayey abaalki weyna ee dawladdi Somaalia u gashey waqtigi adka ee Eretria ku jirtey halganki qadhaadha ee dib u xoryenta dalkooda . Waxaan xasuusta safarkisi ugu horey ee u yimid UAE Abudhabi isago madaxweyne ah daba yaaqadi 1993,wareysi u siiyey wariyaal Carbeed kuna weydiyeen,‘ maxay Eritrea ugu biiri weyd Jaamicadda Carabta madaama ay wax badan halganki idinka caawisey ? , wuxu ugu jawaabey, ‘’Annaga cidda koobaad ee nacaawisey wa Soomaalida ee haddey jaamical Al Carab wax tar le dehey Soomaalida dhibaateysan bey caawin la heyd ‘’. Hadalkaasu ku aamusiyey wariyaashi Carbeed. Marka afraadna waxey fariin adag u direysa cid walba’ oy khuseyso arrimaha Somalia KA BACDI heeshisyadi nabadeenta ee Eriteria — Ethiopia iyo Somalia — Eriteria ee u gadhwadeenka ka yahey ra’iisal wasaare Abiy Ahmed. Taaso beryahan ba la isla dhex maraayey warar sheegeya innu jiro heeshis ka dhexeya seddexda dal ee Somalia- Ethiopia- Eriteria oo bud dhigisu yahey in mar haddi ay heshiyeen Ethiopia iyo Eriteria in ciidamadooda isku hor fadhiyey mandaqadda Badme in la keeno Somalia si ay shaqo iyo mashquulin ugu noqoto oo ay bedelaan ciidamada fadhiidka ah ee AMISOM. Haddaba, inkasto madaxweyne Farmaajo u ku yimid dareenka shacabka Somalia oy ugu horeyso diidmada ay diidanaayeen faragelinta qaawan ee Ethiopia ku heyso dalkooda iyo colaadihi taariikhiga ee soo kala dhex marey, ki ugu dambeyeyna u aha dagaalki 2006 ee Ethiopia iyo maxaakimta oo Mareykanku iyo reer galbeedku dabada ka wadeen ( Proxi war ) aya waxa muuqata in madaxweyne Farmaajo marku waayey kalsonidi shacabka Somalia ee ku hungoobey wax qabad la’aantisa, innu door bidey innu maciinsado isbaheysigan Ethiopia- Somalia- Eretria, taaso’ ah tubti madaxweynihi hore Cabdillahi Yousuf ( AHUN ). Halku Cabdillahi Yousuf ku dambeyna weynu ka wada dharagsanahey. Waxa marag madoon ah in ciidamada AMISOM ee Somalia soo degey 2007, ku fashilmeen iney soo hooyaan guullo la taaban karo la dagaalanka argagixisada al shabaab, xaalkooduna noqdey qawda maqashi waxna haw qaban iyado la wada ogyahey iney dhibaatada Somalia ka dhigteen mashruuc aan dhamaaneyn madaama askartaasi qaadato lacag kumana kun dolaar mushahaar ahaan ( dawladahooduna dhaqaale xoog leh ka soo galaan, tusaale Burundi oo shan kun iyo shan boqol oo ciidan u joogaan waxey afarti bilood hesha 18 million oo dolaar ( xigasho AFP ). Markeynu si qoto dheer u falanqeyno hirdanka siyaasadeed ee geeska Afrika ka socda gaar ahaan na Somalia waxey ku soo urureysa seddex qodob

1-Goobta strategy ay ku taalo oo seddex meelood meel badeecadihi adduunku maro xeebaheeda

2- Rajada fiican ee sadaasha sahaminta shidaalka xeebaha Somalia

3- Geopolitics mandaqadda oo isbedel weyn ku yimid waxana hormood ka ah isbalaadhinta China ee xawliga ku socda. Marka la eego asbaabaha kor xusan waxa aad loo tuhunsan yahey in qorshahan cusub ee imaanshaha ciidamada Ethiopia iyo Eretria dalka Somalia dabada ka riixayaan dawladaha reer galbeed ee mudada kow iyo tobanka sannadood bixinaayey balaayiinka doolaar si ay Somalia ugu soo dabalaan xasilooni iyo dawlad adag oo gacanta ku heysa xuduudaheeda si ay uga fushaan danahooda.

Siyaasi Baashe Cabdi Gaboobe

1310 Vistors Online

 

 

LINKS

 

Newsletter Sign-up

Your Name (required)

Your Email (required)