Farmaajo, Madaxwaynaha dawlada xamar oo Weerar dacayad afka ah ku qaaday xildhibaanadii ka Keenay mooshinka isagoo Hortaagan

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa erayo u muuqday jees jees hawadda u marayay xildhibaannadii mooshinka ka keenay.

Madaxweynaha oo markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii dhawaan laga keenay ayaa sheegay in xildhibaannadda mooshinka soo gudbiyay ahaayeen kuwo ka tirsanaa dowladdii Qabyo…. Sidaa daraadeed mooshinkoodana uu ahaa mid Qabyo oo aan dhameystirneyn.

Waxaana uu yiri madaxweynuhu’’ Markii aan ka war helay Mooshinka waxaan soo wacay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo waxaan ku Iri…Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, see wax u yihiin, wuxuu i yiri waa i hor-yaalaa.. waxaan Iri sidee ayuu u egyahay.. Wuxuu

Igu yiri aan kugu soo celiyo, warqadihii ayuu rogrogay… wuxuu i yiri nambrkaas waaye, waxaa ku iri yaa ka dambeeya, wuxuu i yiri waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo Qabyo.. Ma Qabyada isla ogeyn, waa Qabyo, waxaa ku ogeyn wax walba in ay qabyo uga tagaan bal fiiri hadduu mooshinka dhan yahay, dib buu u fiiriyay, wuxuu arkay saxiixyo la saxiixay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018, waxa