Ergi Ugaara Somaliland oo dawlada Britain usoo Magacawday

0

Xukuumada somaliland ayaa shaaca ka qaaday masuul cusub oo ay dawlada Ingiriisku u magacawday inuu u qaabilsanaado somaliland.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliand oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inuu la kulmay masuulka cusub ee ay wasaarada arimaha dibada UK u soo magacawday somaliland.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo ka hadlaya ujeeda safarkiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Socdaalkaygani waxa uu ku lug leeyahay sidii aan ula kulmi lahaa madax ka tirsan dawlada Ingiriiska oo inaga caawisa tababarada dhinaca warbaahinta haday tahay ta dawlada iyo haday tahay ta madaxa banaan”

Wasiirka oo ka

hadlaya ergayga ay dawlada Ingiriisku u soo magacawday somaliland ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa xusid mudan inaan la kulmay u qaabilsanaha wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ee somaliland oo fadhigiisu noqon doono magaalada Addis Ababa kaas oo dhawaan xilka la wareegi doona, wax badan ayaanan uga waranay oo ku saabsan baahida ay qabaan dadka iyo dalka somaliland, waxaanan si gaar ah iskaga sii waraysanay sida kor loogu qaadi doono tababaradii iyo tayeyntii ay ka wadeen warbaahinta somaliland gaar ahaan saxaafada madaxa banaan iyo ta dawlada, taas oo aanu ku salayn doono shirweynihii saxaafada somaliland ee qabsoomay dabayaaqadii sanadkii hore.”