Urur Goboleedka IGAD Oo Ka Hadlay Doorashadii Ka Dhacday Puntland.

0

Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Maxamed Deni, oo Shalay ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Garowe.

Dr, Guuyo, ayaa sidoo kale ammaanay doorkii ay ka qaateen, Dowladda federaalka, maamulka Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada.

Ergeyga ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamaashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo si gaar ah u ammaanay aqbalaaddii iyo sidii uu xilka ku wareejiyay, C/wali Maxamed Cali Gaas.

Dr, Guuyo, ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu

la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira.

Doorashada Puntland oo aheyd mid siweyn isha loogu wada hayay ayaa waxaa ku guuleystay Saciid Cabdullaahi Deni oo horey xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray, halka madaxweyne ku-xigeen loo doortay Axmed Cilmi Karaash oo ahaa Wasiirkii Duulista Hawadda ee maamulkii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.