DEG DEG Butland oo iminka dooratay madxawyne ku xigeen cusub

0

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa ku  guuleystay doorashadii Madaxweyne kuxigeenka Puntland, siyaasigan oo kasoo jeeda gobalka Sool ayaa horey xilala kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii hore ee Puntland.

Xilka Madaxweyne kuxigeenka oo ay ku tartamayeen 11 murashax ayaa wareegii ugu danbeeyey isugu soo hareen labada murashax oo kala helay:

  1. Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] – 47
    2- Cabdi Cismaan Qawdhan – 19

Codbixintan ayaa soo afjareysa doorashadii Puntland ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland oo xilka loo dhaariyey shanta sano ee soo socota.

Madaxweynaha cusub Siciid Cabdullahi Deni oo isagu saaka xilka loo doortay ayaa u hambalyeeyey Madaxweyne kuxigeenka cusub Axmed Karaash oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh gobalka Sool, isla markaana taageero xoogan ka heystay issimada gobalkaasi kasoo jeeda.

Axmed Karaash oo isla markiiba loo dhaariyey xilka loo doortay ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyey ku sheegay inuu balan qaadayo inuu si wanaagsan ulla shaqeeyo Baarlamaanka doortay.

Cabdi Cismaan Qawdhan oo ah murashaxii loolanka adag la galay tartanka Madaxweyne kuxigeenka oo goobta ka hadlay codbixinta kadib ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay doorashada u dhacday.