BBC Madaxii shaqaalaha Pentagon-ka Kevin Sweeney oo iscasilay, haddaba maxaa looga kala cararayaa maamulka madaxweyne Donald Trump

0

Madaxa shaqaalaha wasaaradda Gaashaandhigga ee waddanka Mareykanka, Kevin Sweeney, ayaa xilka iska casilay, bil kaddib markii Xoghayihii wasaaraddaasi James Mattis uu ku dhawaaqay inuu jagadaas bannaynayo.

Admiral Sweeney ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay in “la joogo waqtigii saxda ahaa ee uu dib ugu laaban lahaa adeegga gaarka loo leeyahay”.

Waa sarkaalkii saddexaad ee sare ee ku dhawaaqa inuu iskaga tagayo shaqada kaddib markii uu Madaxweyne Donald Trump sheegay in ciidammada Mareykanka laga soo saari doono waddanka Suuriya.

Saraakiisha ayaa sheegay in aanay jirin waqti loo qabtay ka bixitaanka ciidammada ee waddanka Suuriya.

Rear Adm Sweeney ayaa jagadan uu haatan bannaynayo waxa uu hayay laba sanadood laga soo bilaabo Janaayo 2017.

Warqadda iscasilaadda oo aheyd mid kooban ayaa waxa uu ku sheegay inay “sharaf u aheyd inuu ka garab shaqeeyo” saaxiibadii ku sugan wasaaradda, hasayeeshee ma uusan soo hadal qaadin Madaxweyne Trump.

Iscasilaaddiisa ayaa waxa ay imanaysaa maalmo un kaddib markii Janaraal Mattis uu xilka banneeyay waqti hore, isagoo markii hore qorshaynayay inuu sii hayo xilka ilaa bisha Febraayo.

Tagitaanka ninkan ayaa waxa ay dhigan tahay in hubanti la’aan ay haraysay siyaasadaha maamulka Trump ee arrimaha gaashaandhigga iyo dibadda tan iyo markii uu si layaab leh ugu dhawaaqay qorshaha ah in ciidammada Mareykanka laga soo saaro dalka Suuriya, dadka arrimaha Mareykanka faaqida ayaa sidaasi sheegay.

Talaadada, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa waxa uu u kicitimi doonaa Bariga Dhexe halkaas oo uu muddo todobaad ah socdaal ku soo mari doono si uu xulafada dalkiisa ee gobolka ugu soo xaqiijiyo tallaabooyinka ay qaadayaan.

 

Xoghayihii hore ee Gaashaandhigga ayaa waxa uu warqaddii iscasilaaddiisa ku tilmaamay inuu jiray kala aragtiyo duwanaansho dhanka siyaasadaha ah oo u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweyne Trump.

Warqadda oo toos ugu socotay Mr Trump ayaa aragtida janaraalka waxaa lagu sheegay inay aheyd in “si xushmad ay ku jirto loola dhaqmo xulafada” iyo “waxkasta oo ah awoodda Mareykanka loo adeegsado difaaca”.

“Sababtoo ah waxaad xaq u leedahay inaad heshid xoghaye difaac oo isku aragti aad tihiin oo aad isku dhinac wax ka arki kartaan, waxaan rumaysanahay inay sax tahay inaan xilka banneeyo,” ayuu ku qoray warqadda.

Haweeneydii afhayeenka u aheyd wasaaradda Gaashaandhigga Dana White ayaa sidoo kale xilka isaga tagtay kaddib markii madaxweynuhu uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay ka bixintaanka ciidammada Mareykanka ee Suuriya.