BBC Haweeney Sacuudi ah oo ‘ku xayirantay garoonka diyaaradaha ee Bangkok xilli ay isku dayaysay inay baxsato’

0

Haweeney da’yar oo u dhalatay dalka Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay sheegaysaa inay ku xayiran tahay gagida diyaaradaha ee Bangkok kaddib markii ay ka soo baxsatay qoyskeeda, baasaboorkeedana uu gacanta ku dhigay sarkaal Sucuudi ah.

Raxaaf Maxamed al-Qunun ayaa sheegtay in markii ay soo baxsanaysay laba maalmood ka hor ay qoyskeeda u soo raacday safar ay ku tageen dalka Kuwayt.

Waxa ay isku dayaysay inay gaarto dalka Australia iyadoo diyaarad ka raacaysa Bangkok.

Waxa ay BBC-da u sheegtay inay isaga baxday diinta Islaamka, sidaas daraadeedna ay ka cabsi qabto in si xoog ah loogu celiyo dalka Sucuudi Carabiya deetana ay qoyskeeda dilaan.

Majar Janaraal Surachate Hakparn oo ka tirsan booliska Thailand ayaa isna waxa uu BBC-da u sheegay in Ms Maxamed al-Qunun ay ka cararaysay guur. Waxa uu sheegay in booliska ay u diideen inay gudaha u gasho Thailand sababtoo ah ma aanay haysan dal ku gal gudaha loogu fasixi karo, sidoo kalana ay wadaan habkii ay dib ugu celin lahaayeen diyaaraddii ay Kuwayt ka soo qaadatay ee Kuwait Airlines.

Janaraal Surachate ayaa waxa uu sheegay in uusan ka warqabin in wax baasaboor ah la qabsaday.

Weriyaha BBC-da ee magaalada Bangkok Jonathan Head ayaa waxa uu soo sheegayaa in Ms Maxamed al-Qunu ay cabsanayso walwalna uu u dheer yahay. Waxa ay sheegaysaa inay haysato dal ku gal Australia ah hasayeeshee baasaboorkeedii uu gacanta kaga dhigay diblumaasi Sucuudi ah kaas oo ay la kulantay markii ay diyaaradda ka soo dagaysay.

Ms Maxamed al-Qunun ayaa xaaladda haysata waxa ay dadka kula wadaagtay barta Twitter-ka, iyadoo sheegtay: “Maadaama aanan waxba gacan ku hayn waxaan haatan doonayaa inaan idinla wadaago magacayga dhabta ah iyo dhammaan xogtayda.”

7 hours ago

Because I got nothing to lose I’m going now to share my real name and my all information.

My name is Rahaf Mohammed Mutlaq Alqunun, and this is my picture

Sidoo kale waxa ay dadka la wadaagtay sawirka baasaboorkeeda “Waxaan sidan u sameynayaa waxa weeye inaad ogaataan inaan ahay qof jiro oo dhab ah”.

Farriin kale ayaa leh: “Waxaan ka cabsanayaa in qoyskeyga ay I dili doonaan.”

Kiiskan ayaa waxa uu u eg yahay kiiska haweeney kale oo Sucuudiyad ah taas oo bishii Abriil ee 2017 ku sii socotay waddanka Australia.

Dina Cali Lasloom, oo 24-jir ah, ayaa ka soo kicitintay dalka Kuwayt iyadoo ku sii hakatay dalka Philippines, hasayeeshee waxaa dib loogu celiyay dalka Sucuudi Carabiya iyadoo qoyskeeda ay ka soo dhoofiyeen garoonka diyaaradaha ee Manila.

Waxa ay isticmaashay taleefanka qof Kanada u dhashay oo dalxiise ah si ay farriin u dirto iyo muuqaal la soo dhigay barta Twitter-ka, iyadoo leh qoyska ayey suuragal tahay inay I dilaan.

Sida uu xaalkeeda yahay ma ay jirto cid war ka haysa tan iyo markii ay gaartay dalka Sucuudi Carabiya.

 

Xigasho BBC