Faysal Cali Waraabe Oo Casuumay Wakiilkii Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Eriday, Kana Hadlay Qorshaha Mac-hadka Heritage

0

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay talaabada ay dawlada soomaaliya ka qaaday wakiilkii qaramada midoobay u qaabilsana.Gudoomiye Faysal ayaa si adag uga soo horjeedsaday go’aanka ay qaateen masuuliyiinta dawlada soomaaliya waxaanu yidhi “Arintan ay ku kaceen maamulka Farmaajo waa arimo badan oo jar iska xooris ah oo isa soo daba taagnaa,waxaana muuqata in Kurayda qabsatay madaxtooyada Villa soomaaliya sida ay u dhaqmayaan inay tahay wax ka fog wixii loo doortay, waxaanay u dhaqmayaan kuraydani sidii oo ay dawlad yihiin, waxaanay heshiisyo la galayaan wadamadii Geeska Afrika ee dhisnaa iyaga oo aan Waddada Maka Al Mukarama ka

Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale soo bandhigay laba arimood oo khatar ah oo uu sheegay inay wajahayso soomaaliya “Maanta soomaaliya laba mid ayuunbaa u taala, waxa u taala in dagaal sokeeye ka dhaco ama in xukunkii kaligii taliyaha ay ku soo noqoto, markaa aad ayaan uga soo horjeedaa talaabada ay ka qaadeen ergayga qaramada midoobay, ninkana waxa uu ahaa mid dedaal badan sameeyey, kii hore ayaa u macaanaaday balse ninkani waa mid shaqada garanaya.”

Hogaamiyaha xisbiga Ucid ayaa sheegay inay somaliland ku casuuman yihiin wakiilka qaramada midoobay ee ay soomaaliya eriday iyo hay’addaha ku xayiran Xalane waxaanu yidhi “Ninkani waa nin dublamaasi ah oo shaqada garanaya, arimaha somaliland-na wuu qaabilsan yahay oo qayb qudhi ma eryi karto, waxaanan leenahay kuwa UN-ta jooga ee hoobiyeyaasha lagu soo tuuray ee ku xayiran Xalane, hay’addaha iyo wakiilka qaramada midoobayba ha yimaadaan somaliland waanu casuumaynaa.”

Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale amaanay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka soomaaliya, isaga oo ka hor yimid qorsheyaasha mac-hadka Heritage waxaanu yidhi “Waxaan aad u amaanayaa nimanka xildhibaanada ee badbaada la baxay iyo kuwii mooshinka keenay, badbaado ayey soomaaliya u baahan tahay anaguna waa inaanu galnaa hadaanu somaliland nahay waa jaarkayagii, waxaanan u baahanahay inaanu soomaaliya badbaadino, kuwan Heritage la yidhaa ee yidhaa waxaanu ka hadlaynaa somaliland iyo soomaaliya waxaanu leenahay somaliland way taagan tahay, soomaaliya ayaana u baahan in la hagaajiyo iska dhaafa wada hadalka somaliland iyo soomaaliya ee aynu wada dhisno soomaaliyadii aanu la hadli lahayn.”