Mareykanka oo raalli galin ka bixiyay arrin dunida ka careysiisay

0

Taliska dhinaca istiraatiijiyadda ee milatariga Mareykanka, oo dusha kala socda hubka nucliyeerka ee dalkaas ayaa raalli galin ka bixiyay qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka oo lagu sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay “inuu soo rido wax aad iyo aad uga baaxad weyn” kubadda weyn ee fagaaraha Times Spuare ee magaalada New York.

Farriintaas, oo barta xiriirka bulshada la soo dhigay shalay ayaa waxaa la socday muuqaal laga arkayo iyadoo la soo ridayo bambooyinka B-2 ee hubka wax gumaada.

Arrintan ayaa caro weyn ka dhex abuurtay baraha xiriirka bulshada ee Internet-ka, waxaana taliska Istiraatiijiyadda ay goor dambe tireen qoraalka iyo muuqaalka isla socday ee lasoo dhigay Twitter-ka, iyagoo ku tilmaamay “tijaabo daciif ah”, waxayna ku baddaleen raalli galin.

Qoraalkii hore ee la soo dhigay ayaa lagu yiri sidan: “Gambaleelka fagaaraha TimesSpuare wuu dhacayaa Sannadka Cusub iyadoo la soo ridayo kubadda weyn… haddii loo baahdana, waxaan diyaar u nahay inaan soo ridno wax aad iyo aad uga sii weyn”.

Arrintan ayaa loo fasirtay in Mareykanka ay la fududahay in uu soo rido hubka Niyukleyrka.

Waxaa qoraalkan lasoo dhigay saacado yar ka hor xilliga sannadlaha ah ee “la soo rido kubaddaas weyn” oo markaas ku dhex dhacda fagaaraha.

Arrintan ayaa loo sameeyaa dhaqan ahaan, si loo guda galo billowga sannad walba oo cusub.

Howshan ku saleysan dhaqanka ayaa lasoo waday ilaa sannadkii 1907-dii. Dadka wax dhaleeceeya ayaa isla markiiba ku cambaareeyay taliska Istiraatiijiyadda sida ay dhacdadan uga hadleen.

Walter M Shaub Jr, oo ah madixii hore xafiiska qabaa’illada ee dowladda ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri “Maxay yihiin dadka bahaloobay ee waddankan maamulaya?”.

Joe Cirincione, oo qoray barnaamij looga hadlayay arrimaha nucliyeerka iyo sida looga badbaadin karo dunida ayaa isagana yiri: “Markii ugu horreysay waxan uma maleyn Karin inay run yihiin, laakiin way dhacday”.

Taliska Istiraatiijiyadda ee dalka Mareykanka ayaa ka mid ah 10-ka talis ee laga ansixiyay waaxda gaashaan dhigga ee dalkaas.

Waxa uu saldhiggooda ku yaallaa hawada sare, hal ku dhigga taliskasi ayaa na ah “Nabaddu waa howsheenna”.