Golaha Guurtida Somaliland oo ka Doodaya samaynta Xeerkii Lagusoo Dooran laha gole Cusub oo Guurti ah

0

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa ka hadlay kulan lagu gorfaynayay Sidii Xeer loogu samayn lahaa golaha guurtida Somaliland kaas oo maalmihii ugu dambeeyay ka Socday Magaaladda Hargaysa.

Kulankan ayaa Diiradda Lagu saarayay Sidii golaha guurtidda is badal loogu samayn lahaa madaama oo ay soo jireen wakhti dheer iyaga qaybna ku lahaa heshisiintii Beelaha Somaliland hormuudna Ka Ahaa Nabada Ka Tis-qaaday Somaliland

Golaha guurtidu wakhti badan ayuu soo jiray oo xildhibaanadii lagu soo xulay 1997-dii ay wali joogaan lakiin wakhtigaas dheer golahu umuu fadhiyin kursi jacayl balse ay ahayd in ay dalka ka jireen xaalado badan ooduruufahooda leh iyo xeerarkii ay ku iman lahayeen kuwii badali lahaa aanay lahayn iyaga oo aanu ku dabaqayno duruufaha iyo marxaladdaha dalku soo maray awgood.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Eryal Tv

Intaas waxa uu ku daray guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtidda Siciid Jaamac Cali isaga oo hadalkiisa siiwata.”Mar hadii golaha wakhtigiisii iska dhaw yahay waxa muhiim noqotay in golaha guurtidu isku hawlo sidii loo samayn lahaa xeer golahu yeesho.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtidda Siciid Jaamac Cali ayaa sheegay in hadda ay waddaan xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha guurtidda cusub ee badali doona iyaga madaama oo ay wakhti badan iyagu ahayeen marka dalka kilaafyo Siyaasi ahi iyo mid kaleba ay ka dhacaan Meesha Marjaca Ah Ee Loo Noqdo.