Kornayl Caare oo Ninam aay usoo dirtay dawlada cabdiwali gaas aay ka qaadeen gaadhi Landkuruzer ah Qoryo Culus iyo Lacag Doolar ah oo badan

0

Warar Lagu Kalsoonyahay oo laga helayo Gobolka Karkaar ee Putland gaar ahaan Magaalada Qardho ayaa sheegaya in Gaadhi Landcrusser ah oo Cusub iyo Hub saarnaa  oo fudud laga qaaday Kornayl Caare iyo Kooxda falaagada ah ee Uu Hogaamiyo  Waxaanu falkani ka dhacay Badhtamaha Magaalada Qardho, Waxaana dhacan geystay rag ka soojeeda Deegaankaas Qardho iyada oo la sheegay in raga dhacaas geystay ay Kooxdan uu Caare hogaamiyo ka qaadeen lacag qadarkeeda lagu sheegay 30.000$ uu Caare xawaalada Kasoo qaatay Tas oo shaqsiyaad qurba jooga oo taageeraa usoo ururiyeen.

Sidoo kale War laga soo xigtay raga dhaca gaystay ayaa sheegaya inay ay hore uga cawdeen gaadiid ay lahayeen oo Beesha uu Korneyl Caare ka soo jeedaa kaga dhaceen deegaamada Bariga Somaliland wakhti hore dhacana ay kaas kaga aar gudanayaan.

warku waxa uu intaa ku darayaa in gaadhiga ladhacay ay saarnaayeen hub ka koban afar BK Iyo Shan qori oo AK 47 Ah iyo lacagta 30.000$b ah.

Raga dhaca geystay ayaan dhibaatio isugu jirta hadidaad iyo caga juglayn ugaystay Korneyl Caare iyo Kooxda uu hogaamiyo ee Fadhiisinka Ciidan kulahaa Gobolkaas Karkaar ee Putland.

dhacdadan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo dhawaan ay ka soo goosteen kooxdaas Caare Hogaamiyo Korneyl Gamaal Baaxad iyo CaaqilMxamaud Diirir oo kamid ahaa laf dhabarta jabhadaas iyaga oo cafis weydiistay Madaxweynaha Somaliland sidaasna lagu cafiyay Hargeysana ay hadda ku sugan yihiin.

Talaabadan gaadiidka, hubka iyo lacagta lagaga dhacay Korneyl Caare iyo kooxdiisa ayaa waxa umuuqataa mid xidida usiibi doonta fadhigii kooxda falaagadaha ah ee Caare hogaamiyaa kulahaayeen deegaamada Maamulka Putland waxaana la filayaa inay isla maanta usoo amaba baxaan dhinaca Somaliland maadama oo dhac loo gaystay Maamulkii Putland uu ku hawlan yahay arimaha doorashooyinka oo aan cidi isu joojinayn sidoo kalena nacayb loo muujiyay koxdan dalkooda ka falaagoobay ee jabhaydanyta bilaabay.