Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Kulan Xasaasi Ah Oo Ay Ku Yeesheen Muqdisho

0

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay siyaasiga mucaaridka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hogaamiya xisbiga Wadda Jir.

Kulankan oo dawlada ay hogaamiyaan Farmaajo  iyo Khayre ay shaki badan ka muujisay ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee haatan ka taagan soomaaliya, iyada oo uu kulankaasna goob joog ka ahaa xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo isaguna hogaamiye xisbi kale oo mucaarid ah.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha ugu cad cad ee mucaaridnimada adag ku haya dawlada ayaa bartiisa Facebook ku faah faahiyey  kulankan uu la qaatay madaxweynihii hore ee soomaaliya waxanu

hadalkiisu u dhignaa sidan “Waxaan galabta kulan la yeelanay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hogaamiyaha Xisbiga UPD, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Hogaamiyaha Xisbsiga Ilays. Waxaan kulanka oo saacado qaatay iska warsanay xaalada amni iyo tan siyaasadeed ee dalka.

Waxaan hoosta ka wada xariiqnay inaan si Wadajir ah danta guud uga wada shaqayno, kulamo joogta iyo talo balaarin aan samayno.”

Madaxweynihii hore Xasan Shiikh ayaa isna soo dhigay bartiisa Facebook qoraalkan hoose:-

Galabta, waxaa hoygeyga igu soo booqday hoggaamiyayaasha Xisbiyada Wadajir iyo Ilays, Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali Waxaan ka wada hadalnay hirgelinta nidaamka xisbiyadda iyo xaaladda guud ee dalka.