Waxaan Ka Cabsi Qabaa In Natiijo Al-Shabaab Ka Daran Inay Ka Dhalato Soomaaliya…” C/Raxmaan C/Shakuur

0

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay xaalada Soomaaliya ee xilligan.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in faragelintii dowladda Itoobiya ku sameysay Soomaaliya sanadkii 2016 ay ka dhalatay in Al-Shabaab sameysmeen.

Waxaa uu sheegay in cabsi weyn uu ka qabo in natiijo ka daran Al-Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya, taasoo uux usay in saan-saanteeda muuqato.

Ma sheegin natiijadaas iyo halka ay ku qotonto, balse biyaha dhaca warkiisa ayaa ahaa heshiiska saddex geesoodka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee is dhex galka ah.

Faragelintii Itoobiya ay Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2006dii, Dowladda Mareykanka ayaa gadaal ka taagneed. Waa la wada ogyahay oo waxaa ka dhashay Alshabab. Saansaan sidii u eg ayaa muuqata. Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Alsbabaab ka daran ay ka dhalato”ayuu yidhi C/raxmaan C/shakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Inta badan C/raxmaan C/shakuur ayaa dhaliilo ugu soo jeediya dowladda Federaalka baraha bulshada, hadana waxaa uu aad ula kulmaa falcelino aad u kulul ee dadka ra’yigiisa ka soo horjeeda.