Somaliland Oo Ka Hadashay Isbahaysi Ay Sameysteen Dalalka Ku Yaalla Badda Cas Iyo Gacanka Cadmeed

0

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Ammaanka xeebaha dalkeeda u dabo-fadhiisanaynin cid kale, waxaanay shaacisay in  iskaashi kasta oo ay sameeyaan dalalka Gobolku aanu dhammaystirnayn haddii aanay Somaliland ku jirin.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo soo gaadhay Shabakada Hadhwanaagnews,  Waxaana Xukuumaddu ku caddeysay  mowqifkeeda la xidhiidha isbahaysiga  ay ku dhawaaqeen  lix dal oo ka mid ah kuwa mandaqada Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaanu u qornaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah Aag Istaraatiiji ah iyo

marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid  dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin.

Somaliland waxay  ku guulaystay inay ka ilaaliso  dhulkeeda  iyo xeebteeda    Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso ilaalinta ammaanka  xeebaheeda oo dhererkoodu yihiin 850km  dal kale.

Somaliland waa dal madax-bannaan oo xor ah, heshiis kasta oo ay wada galaan dalalka gobolku oo Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya waa khalad iyo wax aanay Somaliland aqbali karin.

Si kasta ha ahaatee, waxaanu sii waddaynaa iskaashi kasta oo gacan siinaya nabadgelyada iyo barwaaqada mandaqadda iyadoo aan wax loo dhimaynin xornimada dal kasta.”