Shirkii Lagu Qabtay Jabuuti Waxa uu Ahaa Mid Lagu Shirqoolayay Dawladda Somaliland…Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami

0

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo ka mid ah siyaasiyiinta waawayn ee Somaliland ayaa Machadka Heritage ku edeeyay inuu u adeego maslaxadda ay leedahay daawlada somaliya,waxaana uu tilmaamay in shirkii lagu qabtay dalka jabuuti lagu shirqoolayay dawlada Somaliland.

Cabdiraxmaan cadami ayaa dhinaca kale sheegay in Fariimo badan oo Machadka Heritage u soo diray ay iska diideen markii ay ogadeen inuu wado Mabda Somali Wayn balse aanu waddani arimo dan ah u dawlada Somaliland.

Shirkaasi waxa uu ahaa Arin aan ku tilmaami karo mid lagu shirqoolay  Somaliland,waxaana haboonayd hadii intaas la casuumay oo meel layskugu keenayay in lagu qabto madaxtooyadda Xamar ayaaba kaga haboonayd in jabuuti
lagu qabto,waxaana lagu magacaabay oo warbaahinta la galiyay in shirkaas lagaga hadlayo is badaladda ka socda geeska Africa sidii dawladdaha af somaliga ku hadlayaa ula jaan qaadi lahayeen, Lakiin shirkii marka uu furmay waxa cadaatay in lagu shirqoolayay Somaliland.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlayay Saabtv

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami Ayaa eedayn u jeediyay Machadka Heritage waxaana uu yidhi.”Macadka Heritage waxa uu u taagan yahay mab-da Somali Wayn waxaana uu ka soo horjeeday madax banaanida Somaliland,waxaana ay adeegsataa oo ay leedahay faracyo badan oo ka hawla gala meel badan oo ay Somaliland ku jirto,waxaana ay dhaqaalaha ka heshaa Dawlado badan oo taageera dawlada somaliya iyo kuwa kale oo haay’addan u adeegsadda danaha ay ka leeyihiin geeska Africa,waxaanan anagu filayna in haay’adda cilmi baadhiseed oo jabuuti ahi nacasuumayso lakiin taas way noqot wayday oo waxa ay noqotay Heritage anaguna waanu iska daynay.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami ayaa sheegay In Fariimo badan oo machadka Heritage uu u soo diray isla markaasina uu shirka ku casuumayo ay iska diideen markii ay ogadeen in haay’adda Heritage ay u adeegayso maslaxadda dawlada somaliya balse shirka ay qabanaysaana aanu dan u ahayn Somaliland.