Haweeneey si la yaab leh u badbaadisay dad ay gurigeeda ku magan galisay

0

Zura Karuhimbi ma aysan haysan hub ay isku difaacdo markii ay rag mindiyo iyo baangado ku hubeeysan ay gurigeeda isku weegaareen, kuwaasi oo dalbanayay in ay ku soo wareejiso dad magangalyo ahaan gurigeeda ugu jiray.

Balse waxa ay isticmaashay awood sixir si ay sumacadeeda u ilaashato.

Sumacadeedii ay ilaashaneeysay iyo cabsidii ay ka qabtay, khatarta nimankaan aadka u hubeeysan ayaa u horseedday in haweeneeydan da’da ah iyo boqol qof oo kale ay ka badbadaan xasuuqii ka dhacay dalka Ruwanda.

In ka badan 800,000 oo kale oo u dhashay qowmiyadda Tutsi iyo qaar kale oo badan oo ka tirsan qowmiyadda Hutu ayaa ku dhintay dagaalkii Rwanda ee 1994-tii, waxaana dadkaasi ka mid ahaa wiilkii curadka u ahaa Zura Karuhimbi iyo gabadheeda.

“xilligii xasuuqa, waxaan arkay mugdiga qalbiiyada ragga,” ayay tiri Zura.

Hubka kaliya ee ay Zura haysatay waxuu ahaa, in ay cabsi galiso dagaalyahanada doonayay in ay laayaan dadka maganteeda ku jiray.

Waxa ay ku dhihi jirtay waan idin sixrayaa adinka iyo qooyskiinaba. Sidaas ayna uga baqi jireen.

Markaa wixii ka dambeeyay laba qol oo yar yar oo ay tuulada Musamo ku lahayd Karuhimbi ayaa waxa ay qowmiyadda Tutsi-ga iyo xitaa 3 qof oo yurub u dhalatay u noqotay goob ay naftooda ku badbaadsadaan.

Tobaneeyo qof ayaa waxa ay isku qariyeen sariirteeda hoosteeda iyo meelo ka mid ah saqafka kore ee gurigeeda. Dadka qaar ayay waxa ay sheegeyaan in meela ka mid ah gurigeeda ay godad uga qodday, halkaasi oo ay dadka isku qarinayeen.

Qaar ka mid ah dadkii gudaha guriga Zura ku jiray waxaa ka mid ahaa caruur da’yar oo laga soo uruuray iyagoo weli saaran dhabar hooyooyinooda oo meeyd ahaa.

Karuhimbi waxa ay ka soo jeeddaa qowmiyadda Hutu oo ah qowmiyadda ugu badan dalka Rwanda.

Karuhimbi waxa ay maalintii Isniinta ahyd ku geeriyotay tuulo hal saac looga socda magaalo madaxda dalka ee Kigali. Ma jirto cid xaqiijin karo da’deeda saxda ah.

Balse iyada tiradeeda waxa ay leedahay in ay sheegeysaa 100 sano, inkastoo ducumiintiyo qaarna ay qorayaan in ay da’deedu ku dhaweyd 93 sano.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay dagaalyanada Hutu ay imanayeen tuuladeeda, gabar yar ma aysan ahayn.