Xildhibaano Ka Hadlay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka

0

Siciid Cartan Cismaan, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa iyo Xidlhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo ka wada tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland, ayaa ka hadlay marxalada uu dalku marayo, dib u dhaca Doorashooyinka, muddo kordhinta laga filayo Guurtida, wada hadalada Axsaabta, is bedelada ka socda Geeska, iyo qodobo kale.Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa iyo Xidlhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ugu horeyn isagoo ka hadlaya wada hadalada Xisbiyada iyo dib u dhaca Doorashada yidhi “Inaga Somaliland

ahaan waxaynu cid walba kaga horeyna sida aynu wax walba oo dhib ah oo dhexdeena ah aynu xal uga gaadhno, Axsaab ahaana waxaynu isku hayno, weynu ka wada hadlaynaa, oo xal  ayeynu ka gaadhaynaa, inagoo isku duuban baynu wax walba ka heshiinaynaa, tan dib u dhaca Doorashadana, waa arin duruufo jiraa ay keeneen , ee Doorashadu bilaa sabab dib ugamay dhicin, marka uu Madaxweynuhu Guurtida u gudbiyo warqada, ayey Guurtiduna ka gudan doonaan waajibkooda, oo ay muddo kordhinta sameeyn doonaan”.

 

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa  mar uu ka hadlaayey is bedelada ka socda Geeska iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto ayaa yidhi “Horta marnaba gorgortan lama galin karo jiritaanka Somaliland, jiritaanka Somaliland waa mid muqadas ah oo Shacabkeena ayaa boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%), u coddeeyey, markaas cidna ka yeeli mayno in Somaliland wax la yeelano, inaguna iyada oo aanay ciddi waxba inoo qaban oo aynaan wali helin aqoonsi caalamiya baynu haddana wax walba qabsanay, oo aynu Dimuqraadiyada heer iyo horumar ka gaadhnay, Hay’addaheena Dawliguna waa kuwa dhisan, halka Somaliya ay ku jirto daala dhac, waxaana tusaale cid walba ugu filan qaabka ay iskugu duuban yihiin  Madaxweynaheena iyo Barlamaankeena oo Mucaarad iyo Muxaafidba leh, halka aynu ka war hayno in Farmaajo kolba mooshino laga diyaarinayo, markaas aad bay Somaliya inooga dambaysaa, suuragalna maaha inaynu mar kale dabin u galo, oo aynu la midawno, waxaa se iga dardaaran ah inaynu inagu mar walba Mucaarad iyo Muxaafidba gacmaha is qaabsano oo danta qarankeena u midawno”.

 

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo isna ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo ka hadlaya Doorashada dib u dhacday iyo muddo kordhinta Guuritda laga filayo ayaa yidhi “Doorashooyinkii Wakiilada iyo Deegaanku waxay ku beegnayeen in la qabto 2019, bisha saddexaad, laakiin duruufo iyo xaalada jira oo ahaa in mar hore laga sii diyaar-garawo, ayaa dib u dhaca ku keenay, waxaana ka mid ah saami-qaybsiga, oo aan ilaa hadda loo dhaqaaqin, saam-qaybsigana marar badan oo hore ayaa laga hadlay, oo xitta Guddiyo ayaa loo saaray, gaar ahaan Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo,laakin wali xal lagama gaadhin, sidaas oo ay tahay ama saami-qaybsi ah ahaato ama wax kale ha ahaato, ee Doorashooyinka dambe inta aan la gaadhin waa in wax walba oo baajin kara laga sii diyaar-garwa, Golaha Guurtida ayaana awood u leh inay muddo kordhin noo sameeyso, muddo kordhintuna iskama timaado, ee duruufaas ayaa keenay, Madaxweyne muddo kordhin ma sameeyso, Komishana muddo kordhin ma sameeyo, laakiin marka ay Komishanka soo bandhigaan sababaha keenay dib u dhaca Doorashooyinka, Madaxweynaha ayaa Guurtida u gudbinay in aanay Doorasho qabsoomi karin, sidaas ayey iyana muddo kordhinta u sameeynayana, ee muddo kordhin bilaa sabab ah ma sameeyn karaan”.

 

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan mar uu ka hadlaayey is bedelada ka socda Geeska iyo doorka Somaliland ayaa yidhi “Somaliland waa dal hore u tashay,oo 1997, xoriyadiisi uu lumiyey, dib ula soo laabtay, maantana waxaanu leenahay Farmaajaha Somaliya Madaxweynaha ka ah, Somaliland waa dal xoryadiisa ka hor qaatay Dawladda aad Madaxweynaha u tahay, inagoo laba dal ah ayeynu isku biirnay, anaga oo wakhtigaas raadinayna shantii Somalida, balse waanu ku hungawnay, dibna waanu ula soo laabanay, xoriyadaydii, markaas marnaba niyadaada ha galin aad Somaliland aad maamulaysid, oo aad Madaxweyne ka noqonaysid, is bedel kasta oo Caalamka ka dhaca ama Geeska ka dhacana, waanu ka war haynaa, doorkaygana waanu ka qaadanaa, dadka reer Somaliland waa dad dalkooda jecel, oo muwaadiniin ah, mana ah dal la khaldo, balse taladayda aan Xukuumadda u dirayo ayaa ah inay mar walba xidihidh fiican la yeelato Wadamada jaarka iyo kuwa Caalamkaba, si looga midho dhaliyo Ictiraafka Somaliland, waxaana muhiim ah in Xuduudaha dalka laga war hayo, oo xuduudaha la sugo, waxaan kale oo aan ku talinayaa in wax soo saarka dalka xooga la saaro, si aynu inaguna wax badan u iib geyno, oo inaga aan waxuun la inoogu soo iib geeynin, sida qaadka oo aynu maanta ognahay kana war hayno inaynu noqonay dal lagu tartamo, markaas Xukuumaddu ha la timaado qorshe ay ku xoojiso wax soorka dalkeena si aynu u dhaafsano qaadkan la inoo keenayo”.

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo isna ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo ugu horeyn ka hadlaya wada hadalada Xisbiyada u socda, dib u dhaca Doorashada iyo muddo kordhinta laga filayo Guurtida ayaa yidhi “Hadda ayey wada hadaladu Xisbiyadu bilaw yihiin, sida aan qabana aragtiyo kala fog bay kala wataan, waxaa ugu badan ee la isku hayaana waa Komishanka, sidaas oo ay tahay waxaan rajaynayaa in is af garad iyo is fahan la gaadho, waxaan rajaynayaa in laga heshiiyo, Golaha Guurtiduna Dastuutka ayaa awood u siiyey inay muddo kordhin sameeyso, marka wakhtigeeda laga gaadhana muddo kordhinta wey sameeyn doontaa”.

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), mar uu ka hadlaayey is bedelada ka socda Geeska iyo qadiyada Somaliland ayaa  yidhi “Inagu qarankeena cidna u daba fadhiisan mayno, Somaliland is bedel kasta iyo marxalad kasta oo jirta, inay hore u socoto mooye, dib uma laabanayso, xidhiidh aad u fiicana weynu la leenahay Wadamada aynu jaarka nahay, ee Farmaajo dhaqaale kasta oo uu inagu bixiyo, si qarankeena iyo dalkeena wax loo yeelo, waxba inama yeelayo, mana baryeyno Farmaajo, ee waxaa qudha ee Xukuumadda looga baahan yahay ayaa ah inay xuduudihii dalka sugto, oo Tukaraq xitta dhaafto”.