Muxuu yahay dowrka ciidammada badda Jabuuti ee xeebaha Soomaaliya?

0

Muxuu yahay dowrka ciidammada badda Jabuuti ee xeebaha Soomaaliya?

Ciidammada badda ee dalka Jabuuti ayaa dowr muhiim ah ka dheela howlgalka biyaha caalamiga ah ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya loogaga ilaaliyo burcad badeedda.

Ciidammada badda ee Jabuuti ayaa waxa ay la shaqeeyaan kuwa Midowga Yurub, waxa ayna ka caawiyaan dhanka baaritaanka doonyaha mararka qaarna waxa ay u kala turjamaan Soomaalida ku gooshaysa doonyaha iyo ciidammada Yurub.

Ujeedada howlgalka Atlanta ayaa lagu sheegay sidii burcad badeedda loogaga cirib tiri lahaa badda Soomaaliya.

Haddaba Cabdirisaaq Yoonis Aare, waa sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada badda ee dalka Jabuuti waxa uuna la shaqeeyaa ciidammada Midowga Yurub ee badda Soomaaliya ka howlgala, Bashkas Jugsoodhacay ayuu u warramay.