Dalalka Dunida Ee Danaynaya Somaliland Way Badan Yihiin,Waxase La Yaab leh Sida Raqiiska ah Ee Imaaraadku Ay kula Wareegtay Madaarkii Berbera”Cali Guray.

0

Shacbiga Somaliland Waxay Marti Uga Yihiin Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Inay Hoos U Eegto Heshiis-Ku-Sheegii Hore Loola Galay Imaaradka!”

 

Siyaasi Cali Guray oo kamida masuuliyiinta xusbi xaakimka kulmiye ayaa siqotodheer uga hadlay heshiiskii Ay  xukuumadii hore ee siilaanyo la gashay dawlada imaaraadka ee saldhiga berbera iyo dekeda, isagoo xukuumada muuse biixi ugu baaqay in ay dib u eegto heshiiskaa iyo khataraha ku lamaan.

Dhanka kale cali guray ayaa ka hadlay wararka sheegaya in itoobiya maamulka muqdisho waydiisatay dekeda saylac Ee dhulka somaliland.

Waxaanu arimahaasi kaga hadlay  qoraal uu k baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga oo udhignaa sidan;

“Somaliland ahmiyadda jiyo-siyaasiga ahee ay leedahay si wayn ayaa beryan dambe oo dhan dunida looga hadal hayaa. Amaha jiro warkani ama yuu jirine inta danaynaysa Somaliland ee dalalka dunidu waybadan yihiin. Waxase la yaab leh sida raqiiska ah ee Dawladda Imaaraadku aykula wareegtay Madaarkii Berbera ee ku hayshay inay Saldhig Milatari ka dhigatoiyadoo haba yaraato eh aan waxba dhaafsanin ilaa hadda e bilaash kulawareegtay. Waxa taa ka masuul ahayd xukuumaddii hore laakiin waxa looga fadhiyay welina ay shacbiga Somaliland marti uga yihiin xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi inay hoos u eegto heshiis-ku-sheegii hore loola galay Imaaradka oo ay ogaato dadkana u sheegto danta ugu jirta Saldhigga Imaaraadka.

Waxa jira werwer badan oo laga qabo lagana qabi karo hadii sidaa fudud ee bilaa shuruudda ah ay magaalada Berbera ciidamo shisheeye ugu gacan gasho. Ka soo qaad oo hadii sabab kasta ha ku dhacdo eh ay dhacdaba inu xidhmo madaarka Hargaysa ama ay noqoto in dayaaradaha waawayn ee ka soo dagaa ay ka soo degi kari waayaan halkee ayay dadka Hargaysaka dhoofi jiray ama ka soo degi jiray ugu dhaw inay ka soo degaan ama kadhoofaan? saw Jabuuti iyo Jigjiga iyi Boosaaso noqon mayso?

Waxaynu maqli jirnay madaar kale ayaa Berbera laga dhisayaa mana jiro ilaa hadda. Ta ka sii daran google-ka bal kudul tag waxa laga dhisay iyo waxa iska bedelay Madaarkii Berbera iyo xataa dekedaha la inoogu sheegay Jetty-ga ee aan cid  Somaliland ah oo la socota ama wax ka ogiba aabay jirin.

Waxa ka sii daran khataraha laga yaabo inay la soo dersaan Somaliland marka hawsha dhismaha saldhiggan oo isagu dhamaad ku dhow lagana yaabo inu dhamaado xataa inta aanu bilaabmin mashruucii balaadhinta Dekedda Berbera oo weliba ay soo degaan ciidamo shisheeye oo laga yaabo inay noqdaan intooda badani calooshood u shaqaystayaal aan Imaaraatiyiin iyo carabiyo muslin toona ahayn

Ugu dambaystii saldhigan hadii sidaa aykula wareegto waabay kula wareegtaye dawladda Imaaraadku dadkii masaakiintaahaa ee lahaana agtiisa ku gaajoonayaan oo aanay waxba tarayn wax shakhsiyaadgaar ah jeebabkooda ku dhacayna ka socon maayaa oo naagtii uu yidhi ma kulatahay rubbad baad inan ku dhali waxay ka dhaxli doonaan nac iyo nacayb iyo weliba colaad ay ka galabsadeen dadka Somaliland ee hantidoodii looga faro maroojiyayee hadh cad kala wareegeen iyadoo aanay jirin haba yaraato eh wax ay ugubedeleen. Inta xaalka saldhigani sidaa yahay ee madmadowga badani ku jiro aniguhalka Muqdisho ka taagan tahay ayaan ka taaganahaye waayo damiirkaygu ma aqbalikaro.

Tan Itoobiya hadii ay jirto waa halis sideeda u taal waayo Itoobiya way kala taqaan Somaliland iyo Somaliya hadii ay talaabad qaado xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland iyo Itoobiya wuxu gaadhi karaa heer aad u xun.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh Xukuumadda Somaliland Waxan leeyahay fadhiga ka kaca indhihiinana fura oo arka waxa agtiina iyo hareerihiinaba ka socda. Waa maxay bustahan qoyan ee idin saarani dunidii mid waliba dantiisa ayuu u xaydan yahay cid u danaynaysa cid kalena ma jirto kii dantiisa garan waayana loo joojin maayo eh.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caligurey)