DEG DEG WAR, Ninkii uu watay Madaxawyanha dawlada xamar oo la sheegay in uu ku guulaystay madaxwaynaha dawlada gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya

0

Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wuxuu helay codad gaarayo 101 cod.

Waxaa hadda bilaabatay tirinta codadka doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa socotaa tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed.Waxaa socotaa codeynta doorashada madaxweyanaha maamulka Koonfur Galbeed, xildhibaanada ayaa hadda mid mid u codeynaya.

Kusimaha guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Maxamed Nuur ayaa furay sanaadiiqda doorashada ka hor inta aysan codadka dhiibanin xildhibaanada.

Waxaa hadda sharraxaad la siinayaa xildhibaanada si ay u raacaan tallaabooyinka codeynta.

Waxaa hadda gordhaw gaaray hoolka ay ka dhaceyso doorashada kusimaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir shariif sheekuna maye iyo Maxamed Nuur oo ah guddoomiye ku-xigeenka baarlaamanka.

Waxaa sidoo kale halkaasi jooga xildhibaanno ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, kormeerayaal maxalli ah iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda dhexe.

Waxaa hadda bilaabatay howsha lagu guda galayo doorashada ay xildhibaanada kusoo dooranayaan madaxweyne cusub.

Guddoonka baarlamaanka waxaa uu sheegay in 147 xildhibaan ay soo xaadirtay hoolka si ay codkooda u dhibtaan.

Waxaa hadda ku idil goobta dhammaan xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed si ay usoo doortaan madaxweyne cusub.

Xildhibaanada ayaa u codeyn doonaa shanta musharrax ee u tartameysa doorashada madaxtinimada.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan shanta musharrax ee uu loolanka ka dhexeeyo ee kala ah Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Ibraahim Macalin Nuunow,Seyid, , Axmed Sheeikh Daahir Xuseen Cismaan Xuseen iyo Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen.

Iyadoo la filayo saacadaha nagusoo aadan inay si rasmi ah u bilaabato doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaa hadda goordhaw gaaray goobta saddex musharrax oo kala ah Xuseen Cusmaan Xuseen, Ibraahin Macalin Nuur iyo Aadan Maxamed Nuur Saransoor.

Waxaa lagu wadaa inay iyaga ay gaaraan hoolka gaaraan labada musharrax ee kale.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay.

Hoolka doorashada ay ka dhaceyso ayaa si rasmi ah u furmay, waxaana goobta la keenay sanaadiqda codbixinta.

Waxaana halkaasi ku sugan qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada.

Saacadaha soo socda ayaa la filaya inay si rasmi ah u bilaabato doorashada.

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka dhaceysaa doorashada madaxtinimo ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana doorashada ku tartamaya ila shan musharrax.

Waxay musharraxiinta kala yihiin,Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow,Seyid Axmed Sheeikh Daahir iyo Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceysa la wareegay ciidammada Midowga Afrika gaar ahaan kuwo Itoobiya.

Waddooyinka magaalada waxaa la dhigay ciidamo boolis iyo kuwo militari ah.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta la filaya inay soo doortaan madaxweynaha cusub uu maamulkaasi yeelanayo markii uu dhawaan iscasilay Shariif Xasan Sheeikh Aadan.