srael iyo Somaliland Saaxiibo kala lumay Qalinkii Garyaqaan: Maxamuud-tallaabo Qaybtii

0
srael iyo Somaliland Saaxiibo kala lumay Qalinkii Garyaqaan: Maxamuud-tallaabo Qaybtii 2aad Intii akhiriday maqaalkii kan ka horeeyay, waxay la socotay wax yaalihi aynu ku soo qadanay o ay ka mid ahaayeen inay 26 Juun 1960kii markii ay Somaliland madax banaanideeda ka qaadatay dawladii Ingiriiska, ay xukuumadii xiligaasi ee Israel ahayd dawladii iyo dalkiii koobaad ee u fidiyay aqoosnsi dawladnimo oo caalami ah, maamulkaa ay wakhtigaa Somaliland heshay meesha uu ku dambeeyay, iyo sida guud ahaanba Soomaalidu u hilmaantay wax tarkaas loo gaystay Maqaalkeenan maantana waxanuy wax kaga tilmaami doonnaa wax yaalaha ay wadaagaan Dadka reer Israel iyo Shacabka reer Somaliland, inagoo haddii Alle inoo ogolaado uu maqaalkani dhawr jeer oo dambe iska soo daba bixi doono Shacabka reer Somaliland, waxaa loo gaystay xasuuq aan loo aabo yeelin waxaana laga dilay cadad dad ah oo aan si quman loo tira koobin, balse lagu qiyaaso in ka badan Nus Malyuun ruux oo aan waxba galabsan kuwaasoo ay laayeen Ciidamadii qaran(Xooggii Dalka)ee waagaasi, welina kamay helin mag dhaw iyo garawshiinyo midna Israel waxay Ciidamadii uu hor seedka u ahaa dhiigya cab Adolf Hitler ay ka laayeen tiro la sheego inay ahayd ilaa Lix Malyuun oo qof, mag dhaw ay dawlada Jarmalku ka bixisayna maynu maqal Dadka reer Somaliland, xiligii la gumaadayay Dawladii uu gadh wadeenka ka haa dad qalkii aadamaha u ekaa ee Maxamed Siyaad Barre, waxay isaga iyo xubnihii xukuumadiisu ay dunida ku faafiyeen af lagaadooyin badan oo lagu nasab dilaayo dadkii lagu tir tiraayay Hubka umadda waxay goob iyo gegiba ka sameeyeen qoraalo badan iyo dacaayado ay ku sheegayaan inDadka Gobolada Waqooyigu/Reer Somaliland asal ahaan ay ka soo jeedaan Yuhuud/Israelyiin oo ay yihiin, arrintaas oo ay hanti fara badanoo maaliyad iyo huba leh kaga heshay dawladaha Carbeed ee ay afkaartooda fulinaysay isla markaana ka faa’iidaysanaysay nacaybka qawmiyadeed ee ay qabaan, iyadoo Wadamadaas Carabtuna abaal celin ugu dhigay isla markaana ku kaalmeeyeen inay u soo raafaan cid kasta oo ku abtirsata dadkii markaa la ugaadhsanayay, markaasoo ay Xukuumadii budh-cadda ahaydna cid kasta oo loo soo gacan geliyo ay dhegta dhiiga u diri jirtay siiba wixii rag ah ee loo soo uruuriyo/raafo, ugu dambayntiina shacabkii masaakiinta ahaa waxay nafta ula baxsadeen Dalka Ethiopia oo ay dantu gaysay, dhul ma dhamaadee xaaqin baa dhamaada waa eray murtiyeed aan la dhayalsan karin, ka dib markii ay ka takhaluseen taliiiskii dooxatada ahaa dadkii Somaliyeed ee loo qoondeeyay in dunida laga midh tiraa, intii dhimatay mooyee hadhaagii waxay ku soo laabteen meel anay waxba ka jirin oo ah Xabaalo iyo geyi gebi ahaanba burbur iyo baaba ah, waxanay bilaabeen nolol laga soo qaaday meel madhan (ZERO LEVEL) oo ay mar kale dib u unkeen jiritaan nolon leh ah Si taas la mid ah dadka reer Israel, waxay yimaadeen dhulkii awooweyaashood oo aanay waxba ka jirin Labadan qawmiyadood waxay nacayb colaadeed iyo takoor isku mid ah kala kulmeen in badan oo shucuubta Caalamka ah, siiba gobolada Alle ku beeray iyo jaararkooda La soco qaybo kale