Madaxweynaha Eritreya Mr.Isaias Afwerqi oo Diyaarinayaa Ciidamadii lagu Afgambiye lahaa……..

0

Madaxweynaha Eritreya Mr.Isaias Afwerqi oo Diyaarinayaa Ciidamadii lagu Afgambiye lahaa Maamul Goboleedada Somalia iyo Xoogaga Mucaaridka ah ee ka soo Horjeeda Maamulka Farmaajo.

Waxaa si weyn oo degdeg ah loo abaabulayaa Ciidamo Xoog leh oo ka socda Dalka Erateria oo loogu Talo galay in lagu Baa’biiyo jiritaanka iyo sharcigii lagu dhisay Maamul Goboleedada Somalia, ee u taagnaa Horumarinta Iyo Daryeelka Baahiyaha Bulshooyinka ku dhaqan Maamul Goboleedada Somalia.

Arrintan oo soo Ifbaxday ka dib socdaalkii Madaxweynaha Erateria ku Yimid Somalia, iyo kulamadii uu la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, oo Nuxurkoodu ahaa sida la sheegay in la Diyaariyo Ciidamo Xoogan oo ka socda Dalka Erateria oo lagu Afgambiyo Maamul Goboleedada Somaliya. Si ay u meel maraan Qorshayaasha Halista ah ee lala Damacsan yahay Somalia.

Madaxweynaha, Erateria, wuxuu si cad oo aan Gabasho lahayn u sheegay Caalamkana u muujiyey in aanay Jirin Wax Somalia la Yidhaahdaa, Taas oo uu ku Xalaashanayo Faragalinta Qaawan ee uu la maagan Somalia, Iyadoo waliba uu si Dadban u sheegay in Somalia u baahan tahay in la Kafaalo Qaato.

Ciidamada oo laga Yaabo in Marka hore la Huwiyo Magaca Ciidamada Nabad Ilaalinta Somalia si looga Qariyo Indhaha Caalamka Duulaanka Qaawan ee Mudada dheer loo Maleegayey Somalia

Ali Mahamed Waranade

xigasho qaran news