CAJIIB dalka Masar Qabri Jiray 4000 oo Sanadood oo Gudihiisa lagu arkay waxyaabo layaableh

0

Khubarada cilmiga dhulka ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday qabri noociisa uu dhif iyo nadir yahay oo aan la taaban muddo 4,400 oo sano ah. Mostafa Waziri, oo ah xog hayaha golaha sare ee dhowrista taariikhda dadkii hore, ayaa helitaanka qabrigan ku qeexay “Mid ka mid ah kuwii ugu xiisaha badnaa ee la ogaaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay”.

Qabrigan oo sida loo sameeyay ay aad cajiib u tahay ayaa laga helay Ahraamta Saqqara ee u dhow magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Waxaa ka buuxay sawir gacmeedyo midabbo kala duwan leh iyo taallooyin muujinaya qaar ka mid ah faraaciintii Masar. Waxyaabaha lagu xardhay hareeraha Qabrigan ayaa lagu muujiyay qofka ku aasan, oo ah Baadari ka tirsanaa boqortooyada xilligaas Masar ka talineysay, kaasoo lagu magacaabi jiray Wahtye. Sidoo kale waxaa halkaas lagu arkay sawirrada laga sameeyay hooyadiis, xaaskiisa iyo qaraabadiisa kale.

Khubarada ayaa qodista qabrigan billaabi doona 16-ka bishan Diseembar, oo ku beegan maanta, waxayna filayaan in la helo waxyaabo dheeraad ah oo horseedi kara taariikh kale.

Waxyaabaha la rajeynayo in la helo waxaa ka mid ah naxashka dhagaxa ka sameysan ee uu ku jiro meydka ninkaasi.

Waa kuwan qaar ka mid ah waxyaabihii lagu arkay goobtaas.