Waa Maxay sababta uu farmaajo u Xidhay Jeelkii Ciqaabta Godka Ahaa ee Jilacow, Ma Apy Axmed Ayuu ku Dayanayaa,

0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay gabi ahaanba ay xirtay God Jilicoow oo muddo dheer ahaa xabsi lagu xiro dadka loo heysto danbiyada kala duwan .

Wasiirka Wasaarradda Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo warbaahinta kula hadlayay xarunta Godka Jlicoow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya kaddib baadhitaan muddo dheer soo socday ogaatay in dhibaato weyn ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed halkan {Godka Jilicoow}

Iyadoo laga tixraacayo isbadallada dhinac Amniga ah oo muddaba soo socday, cabasho xukuumadda uga timid dadweynaha waxaa isla garanay in laga bilaabo maanta gabi ahaanba la xidhay Godka Jlicoow oo muddo dheer ahaa xabsi dadka lagu xiro,

waxaana loo badallay xarun lagu tababaro ciidamada” ayuu yidhi wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in maanta laga bilaabo dadka la soo xiro laga eheladooda ka raadin karaan oo kaliya Xabsiga Dhexe iyo Saldhigyada Booliiska, halka markii hore qofka la soo qabto la geyn jiray xarunta Godka Jilicoow oo la sheegay in dadka mar la geeyo kaddib loogu geysan jiray jir dil iyo dhibaatooyin kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa fartay laamaha amniga in qofka la soo qabto aan la heysan karin wax ka badan 48 saacadood, haddii uu baaritaanku intaa dhaafana looga baahan yahay in ay dib u cusbooneysiistaan.